Noo Soo Qor … Habka Qoraalka Wanaagsan

Maadeeq FM waxay fursad siineysaa akhristayaasheeda u baahan iney fikradahooda wanaagsan bushada la wadaagaan dhanka waxbarashada iyo horumarinta bulshada.

Fadlan, Maqaaladaada noogu soo dir (maandeeqfm888@gmail.com  ) , halkan hoose waxaan idin kugu soo gudbineynaa talooyinka habka qoraalka ku saabsan, waa haddii aad tahay qof markiisii ugu horreeyay isku dayaya inuu waxqoro:

1 – Wakhtigaaga qaado marka aad wax noosoo qoreyso, ha degdegin, qodobada ugu waaweyn ee aad dooneyso inaad ka hadasho qoro, kadibna bilow  qorista mowduuca aad xulato ee aad ka hadleyso.

2 – Isku day inaan mar kasta ka fogaato inaad cid kale ku dayato, qoraal shakhsiyaadaada iyo kartidaada gaarka ah ka tarjumaya qor.

3 – Iska ilaali inaad cid wax ka sheegto ama aad adeegsato erayo aan khuseyn mowduuca aad ka hadleyso.

4 – Ka fogow Erayada maldahan ee aan la fahmi karin, akhristaha mar kasta waxa uu kaaga fadhiyaa inaad u soo gudbiso wax la fahmi karo, uma baahna waxa uu akhrinayo inuu qaamuus u baahdo.

5 – Mowduuca aad ka hadlayso waa inaadan meel kale kasoo minguurin oo curintaada gaarka ah uu noqdo.

6 – Cinwaanka aad qaadaneyso yaanuu ka badan 6 Kalmadood, akhristayaashu inta badan canaawiinta dhaadheer kama helaan.

7 – Mowduuca aad qorayso is barbardhig ku sameeya sawir gacmeed si heersare ah loo diyaariyay oo soo jiidasho badan dadkuna ay wada daawanayaan, hadaba isku day inaad khaldaadka qoraalkaaga si wanaagsan aad iskaga eegto.

8 – Isku day sawirka aad adeegsaneysaa inuu noqdo mid qiyaastii loo baahnaa ku fadhiya si heer sare ahna u diyaarsan, waa inuu mowduuca laga hadlayo xiriir la leeyahay, inta badan maqaal la daabacayo sawir la’aan suurtogal maaha.

9 – Isku day iney kuu kala soocnaadaan, maqaal, warbixin, kulan aad qof la yeelatay, mid kastaaba waxa uu leeyahay hab qoraal u gaar ah.

10 – Xasuusnow markastaa isku dubaridka maqaalku kama dadaal yara diyaarintiisa, ka fogow paragraph-ka farabadan, isku day inaad canaawiinta soo muujiso oo mid kastaaba aad si farshaxan leh u sameyso.

Ugu dambeyn, inaad waxqortaa waa muhiim, anaguna waxaan ku dadaaleynaa inta suurtagalka ah inaan ku dhiirigelinno, haddii aad tahay macallin iyo haddii aad tahay arday intaba, si isku mid ah ayaa idiin soo dhaweynaynaa.

Maandeeq FM