Dalxiiska-buugaagta: 22 Qaanuun ee Lagama Maarmaanka u ah Suuqgeynta

Waxaa suurtogal ah inaad diyaarad soo jiidasho leh soo saarto, laakiin dhulka kama kacayso illaa aad si wanaagsan u raacdo  qawaaniinta physics ka ee lagama maarmaan ka u ah, sidaa oo kale; qawaaniinta suuqgeyntu waxay lagama marmaan u yihiin si guushaada gacansi aad kusii haysto, tu kaa maqanna aad u raadiso.

Hadaba, waxaan idiin soo gudbineynaa soo koobidda Buugga 22 Qaanuun ee aasaasiga u ah Suuqgeynta “The 22 Immutable laws of Marketing“,  waxaa qoray Al Ries & Jack Trout, buugga waxaa la qoray 1993, Goodreads waxay ku qiimeeyeen 4/5 oo ah darajo heersare ah.

22 Qaanuun ee Lagama maarmaanka u ah Suuqgeynta

1 . Qaanuunka Hogaamin (Leadership)

Ha isku dayin inaad noqoto qofka dhanka suuqa ugu wanaagsan, laakiin noqoto kan kalida ku ah suuqa!.

Dadku markasta maskaxda ayay ku hayaan qofka ugu horreeyay ee shay suuqa soo geliya, tusaale ahaan shirkadda Apple waa tan ugu horreysa ee mobilka Smartphone-ka hor-u-marisa, waxaa jira shirkado badan oo dhanka mobllida kaga wanaagsan hadana dadku markasta iyada ayay maskaxda ku ahayaan.

2 . Category – Qaanuunka Nooca Badeecadda

Nooca badeecadda aad suuqa soo gelinayso waa iney jirtaa waxay kaga duwan tahay tii hore suuqa u taallay oo lagu soo xusho, haddii ay wax qaali ah iibinayaan adigu raqiis ayaad ka dhigi kartaa. Waxaa muhiim ah waa iney jiraan waxyaabo aad kaga duwan tahay badeecadaha kale ee suuqa yaalla.

3  .Qaanuunka Keep in Mind ( Maskaxda ku hay)

Adeegga aad bixineyso muhiim maaha inuu markasta suuqyada yaallo, laakiin waxaa muhiim ah iney dadku maskaxda kugu hayaan. Mar haddii ay dadku ku illoobaan si aad maskaxdaada dib ugu hanataa way adag tahay.

4  .Perception -Qaanuunka Aragtida ay Dadku kaa aaminsan yihiin

Suuqeyntu waa dagaal dhanka fikirka ah oo u dhexeeyay shirkadaha isku herdinaya suuqa, waxaa lagama maarmaan ah inaad leedahay aragti fog si aad ugu guuleysato markastana aad muhiimadda sii so waxa ay macaamiishaado jecelyihiin.

5  .Focus -Diirad saarid

Inaad dhowr meelood xoogga saarto, waxaa ka wanaagsan in hal shay lagugu barto oo aad ku caan baxdo.

6  .Exclusivity- gaar ah

Adeegga aad soo gudbiso waxaa dhici karto kuwa lamid ah inuu suuqya yaallo,  waa inuu jiraa arrin kuu guuni ah oo aad kaga duwan tahay adeegyada kale ee suuqa yaalla, sida logoda astaanta u ah gacansigaaga oo macne muhiim ah dadka u yeelaneysa.

7  .Ladder- Qaanuunka jaranjarada

Qofka macaamiisha ah ogow markasta maskaxdiisa waxaa ku jira fikrado kala hor-u-marsan oo lagu tilmaami karo sidii jaranjarada oo kale, tusaale ahaan; shirkadaha mobillada soo saaray adduunka waxaa ugu horreeyay AppleSamsung, Sonny, sidaa darteed waa inaad ogtahay macaamiishaada heerka aad ka joogto. Marka aad ogaato heerka aad joogto, haddii aad kaalinta koowaad ku jirto ilaasho kaalintaada oo ka shaqee sidii aad heerka sare kusii joogi lahad, haddii aad labaad tahay labo qorshe la imow, mid aad kula tartamayso shirkadaha kaa sareeyay iyo mid aad iskaga ilaalinayso iney kuwa kaa hooseeyaa kusoo gaaraan. haddii aad ugu hooseyso qorshahaaga xoogga ku saar sidii aad tartan ku geli lahaa maxaayeelay, cid aad iska ilaalinayso oo kaa hooseysaa ma jirto.

8  .Duality –Qaanuunka Labaaleyda

Haddii uu jiro qof suuqa kugula tartamaya oo sidaada oo kale awood badan leh, ha isku dayin inaad suuqa ka saarto, maxaayeelay; tartanka xalaasha ah ee labadiinna idinka dhaxeeya waxa uu dan u yahay labadan dhinac, waxaad suuqa ka xiraneysaan cid kasta oo idinkula tartami lahayd suuqa, labadiiniba si xoog leh ayaad u hou-u-mareysaan.

-Qawaantiinta ka harsan ee 22-ka dhameystiraysa, isbuuca dambey ayaan idiin soo gudbineynaa haddii Alle Idmo.

Maandeeq FM