Dalxiiska-buugaagta: 22 Qaanuun ee Lagama Maarmaanka u ah Suuqgeynta (2)

Waxaa suurtogal ah inaad diyaarad soo jiidasho leh soo saarto, laakiin dhulka kama kacayso illaa aad si wanaagsan u raacdo  qawaaniinta physics ka ee lagama maarmaan ka u ah, sidaa oo kale; qawaaniinta suuqgeyntu waxay lagama marmaan u yihiin si guushaada gacansi aad kusii haysto, tu kaa maqanna aad u raadiso.

Hadaba, waxaan idiin soo gudbineynaa soo koobidda Buugga 22 Qaanuun ee aasaasiga u ah Suuqgeynta “The 22 Immutable laws of Marketing“,  waxaa qoray Al Ries & Jack Trout, buugga waxaa la qoray 1993, Goodreads waxay ku qiimeeyeen 4/5 oo ah darajo heersare ah.

 Qeybtii 2aad ee Dhameystirka Qawaaniinta Suuqgeynta ee 22-ka ah

9 .Opposite -Khilaaf ha lagu bartee

Marka qof suuqa kaaga soo horreeyo oo aad dooneyso inaad adiguna kaalin labaad aad ku soo baxdo, waxaad adeegsan kartaa qaanuunkan opposite-ka adigoo dadka ku qancinaya in badeecadaadu ay tiisa ka duwan tahay. Waxaad eeganaysaa meelo ay badeecaddiisu ka liidato markaas ayaad adiguna xoogga saareysaa inaad soo saarto adeeg kiisa ka wanaagsan.

10 .Division-qaanuunka Qeybta

Badeecada aad soo gudbineyso qeybo kala duwan u samee oo dadku ay kala dooran karaan, si ay u arkaan inaad tahay qofka kaliya ee noocyo kala duwan oo ay kala doortaan u sameeyay.

11 .Perspective – Xagasha aragtidaada

Cilmiga suuqgeynta waa mid u baahan wakhti, sidaa darteed waa in aad leedahay aragti kuu gaar ah oo aad qalbiga dadka ku gaarto.

12 .Extension- ballaarin

Haddi aad leedahay badeeco guuleystay ogow khaldka aad gelayso ayaa ah inaad sii ballaariso, ugu dambeyn waxay dhibaatadu soo gaareysaa badeecaddii hore ee guusha ballaaran gaartay, sidaa darteed marka aad gacansigaaga ballarineysid adeegso macagyo cusub noocyada kale ee aad soo kordhineyso.

13 .Sacrifice -Qaanuunka Uhuridda.

Cid wax kasta isku heli kartaa ma jiro waa inaad wax hurto si aad bedelkiisa wax kale u hesho, waxaa dhacaysa in mararka qaar aad badeecooyinkaaga qaar u hurto sidii kuwa kale oo suuqa kuu yaalla ay u guuleysan lahaayeen.

14 .Qaanuunka “Attributes” Sifayn

Waa in aad badeecadaada aad u sameyso astaan u gaar ah oo dadku ku iibsadaan oo waxtar u leh noloshooda, sida; ‘sirtu waa dhadhanka’ markii maraqdigaagga la xaysiinayo oo kale.

15 .Candor – qaanuunka Niyad-samida

Adduunka qof dhameystiran majiro, mararka qaar waxaa loo baahan yahay iney shirkaddu qirato waxyaabaha dhaliilaha ah ee laga sheego badeecadeeda, markii daacadnimadaa lagaa arko , waxaa hubaal ah iney dadku aad u aaminayaan badeecadaada suuqa taalla.

16 .Qaanuunka Singularity 

Tallaabo yar oo aan la dareemayn oo aad u qaaddo dhanka hor-u-marinta gacansigaaga ayaa laga yaabaa iney dhaliso saameyn ballaaran oo dadbadan soo jiita, lagana yaabaa in qofka aad suuqa ku tartamaysaan aad kaga hor-u-marto, markaa waxaa muhiim ah talloobinka yaryar ee gacansiga bila inaan la moogaan.

17 .Qaanuunka Saadaalinta

Qof garanaya waxa uu mustaqbalku qarinayaa ma jiro, waxaase lagama maarmaan ah inaad ku xisaabtanto dadka suuqa kugula tartamayaa tallaabooyinka ay qaadi karaan, waxaa la doonaya inaad booskooda oo kale is geyso oo aad ku xisaabtanto lama filaan kasta oo aad la kulmi karto.

18 .Qaanuunka Guusha- Law of Success

Marka aad guul gaarto waxa ugu weyn ee kusoo waajihi karaa waa inaad qanaacad yeelato oo aad is dhigato, inaad halka ugu sarreysa gaarto way adag tahay waxaase kasii adag inaad ku sii sugnaato, sidaa darteed guul kasta oo aad gaarto haku kadsoomin, markasta qof guul u gaajeysan noqo, guul kasta oo aad gaarto is dhuldhigga haka tagin.

19 .Qaanuunka fashilka-Failure

Gacansi kasta oo adduunka ah guul iyo guuldarraba waa lagu arkaa, fikaraddu waa sideed fashilka wax uga baran kartaa si aad mustaqbalka uga fogaato.

20 .Qaanuunka buunbuuninta – Hype

Markii gacansigaagu uu si wanaagsan u socdo inaad sii buunbuuniso looma baahan, haddii gacansiga guuleystay la sii buunbuuniyo dadku waxaa ku dhalanaya su’aal, tolow maxaa ganacsiga ka khaldan, waxaana dhacaysa iney dadku kaa yara fogaadaan, sidaa darteed gacansigaagu marka uu guuleysto uma baahna buunbuunin dheeraad ah.

21 .Qaanuunka Karaar- Acceleration

Waa qaanuun aad muhiim u ah shirkad kasta guusheeda waxaa lagu qiyaasaa graphics heerka uu gacansigu kobcayo, ma wanaagsana marka gacansigii cirkaa marayay marqura uu dhulka kusoo dhaco, waxaa habboon in si macquul ah uu kor ugu kaco.

22 .Qaanuunka kheyraadka -Resources

Tallaabadan waa tan ugu dambeysa waxaa muhiim ah in mashruuc kastaa uu leeyahay ilo dhaqaale oo lagu fulinayo, waxaana wanaagsan in gacansigu noqdo mid resources fiican leh.

Ugu dambeyn, qoraalkii labada xalqadood ee buugga qawaaniinta suuqgeynta waxaan uga gollahayn waa inaan soo bandhigno qiimaha sare ee buugani uu leeyahay, haddii aad daneynayso amaba aad su’aalo ka qabto qoraallada waxaa kuu furan inaad buugga dib ugu laabo oo aad iibso si aad uga haqab beesho qawaantiinta 22-ka ah ee taabogeliya gacansiga.

Maandeeq FM