Waxwalba oo aad Uga Baahan Tahay “Yaboohii Balfour” ee Lagu Dhisay Dowladda Yahuudda

Maanta waxay ku beegan tahay 100sano guuradii 1aad ee  yaboohii wasiirka arrimaha dibadda Britain ee lagu aasaaska dowlad ay  Yahuuddu leedahay gudaha dhulka reer Falastiin, kaas oo loo yaqaanno ‘Yaboohii Balfour‘.

Goorma ayuu ahaa?

Yaboohani waxa uu ku qornaa warqad la qoray November 2, 1917 oo ku beegan maanta oo kale, waxayna ku socotay Lionel Walter de Rothschild oo ahaa madaxa jaaliyadda Yahuudda ee ku nooleyd gudaha Ingiriiska, waxa uu ku tilmaamayay warqadda in xukuumadda Ingiriisku taageertay in waddan loo sameeyo Yahuudda gudaha Falastiinna looga yegleelayo.

Qoraalku Suduu u Qornaa?

Xukuumadda Boqortooyada waxay si gaar ah u eegaysaa in deegaan qowmiyadeed oo ay Yahuuddu leeyihiin laga yegleelo gudaha Falastiin, dadaal kasta ayaan ku bixineynaa si aan arrintaa u fududeynno, waxaase u baahan in la cadeeyo ayaa ah, inaaney arrintani waxba u dhimeyn xuquuda rayidka iyo tan diineed oo ay haystaan kooxaha kale ee aan Yahuudda ahayn ee ku nool Falastiin, xuquuqda iyo xaaladda siyaasadeed oo ay Yahuuddu ku haystaan waddan kalena inaaney saameyn ku yeelanayn.

Maxaa loogu magacaabay Yaboohii Balfour?

Yabooha waxaa magacaa loola xiriiriyay qofkii warqadda qoray oo ahaa wasiirka arrimaha dibadda Ingiriiska xilligaas oo la oranjiay ‘Arthur James Balfour.

Xaaladda Falastiin xilligaa siday ahayd?

Xilligaas waxaa maamulayay dowladdii Cusmaaniyiinta oo Ingiriisku kala wareegeeen sanadkii 1920, waxayna ahayd dhammaadkii dagaalkii Koowaad ee adduunka.

Carab siday arrintan uga falcelisay?

Eedayn iyo caro si weyn wadama carabta u gilgishay.

Yahuuddo Maxay Sameeyeen?

Isla markiiba Yahuuddu waxay bilaabeen iney usoo haajiraan Falastiin iyagoo kooxo farabadan ah, waxay isku dayeen iney qabsadaan dhulka loo yaqaanno “Falastiin Taariikhada”, hadana la haysto.

Raadikii ka dhashay Yabooha Balfour?

Raadkii ka dhashay waxa uu ahaa in Ingiriisku uu ku dhawaaqo maxmiyaddiisa Falstiin sanadkii 1920, arrintaas oo hordhac u ahayd dowladda Israel maanta loo yaqaanno oo si rasmi ah loogu dhawaaqay May 14, 1948, waxana bilowday isla sanadkaa dagaalkii 48 ee loo yaqaanno “Nakbadii Carbeed” ee musiibadii Carab lagu jabay ka dhacday .

W/T: Khadar Xuseen, Maandeeq FM