Dalxiiska Buugaagta: “Jooji Walwalka oo Nolosha Bilow” -Dale Carnegie

Walwalka Jooji oo Noloshaada Bilow “How to Stop Worrying and Start Living“, waxaa qoray Dale Carnegie, haddii aad dooneyso inaad maalin noqoto tababara dhanka aadanaha ah oo ku takhasusay human rescores  iyo waxwalba oo la xiriira hor-u-marinta shakhsiga waxaa lagama maarmaan ah inaad buuggan muhiimka ah akhriso, waxaana lagu daraa 7 buug ee lagama maarmaanka u ah qofka kastaa inuu akhriyo.

Buuggan waxaa la qoray 1948, waxaana lagu qiimeeyay 4.07 qiimeynta guud ee buugaagta ee 5 darajo ah., waxa uuna ka kooban yahay buuggani 7 fasal.

Haddii uu qofku doonayo inuu nolosha ku guuleysto oo uu farxad ku noolaado waxaa lagama maarmaan ah inuu ka guuleysto cadawgiisa koowaad, kaas oo ka qaada xasilloonida iyo sabab kasta oo uu ku gaari lahaa guul, cawadgaa kuu dhaw ee aan kaa ag fogeyn waa walwalka

Buuggan waxaad ka helaysaa talooyin aad u heersarreeya oo aad kaga adkaaneyso walwalka oo haddii aan talooyinkiisa sida ay tahay u qaadanno waxaa hubaal ah inaan ku noolaaneyno nolol faraxadleh oo aan wax walwal ah lahayn, waana nolosha ugu wanaagsan ee qofku uu filan karo.

Fasalka 1aad: Xaqiiqooyin ku saabsan walwalka

Walwalka inaad ka adkaato waa arrin sahlan, waxaadse ogaataa marka uu kaa adkaago inaad nafsi ahaan iyo jir ahaanba aad u dhibaatoon doonto, sidaa darteed; Iska xir albaabada xasuustii hore ee dhibaatada lahay iyo waxa mustaqbalka soo socda ee uu qarinayo, ku noolow nolol maalmeedkaaga iyo xaaladda aad maanta joogto.

Fasalka 2aad: Habka aad uga adkaan karto walwalka

Haddii uu walwal ku hayo adeegso xeeladda Willis Carrier oo saddexdan tallaabo qaad.

1 .Naftaada waydii: Dhibaatada ugu daran ee iqabsan kartaa waa maxay?

2 .Naftaada u diyaari iney la qabsato dhibaatooyinka ugu daran.

3 .Kadib isku day inaad badbaadiso wixii kuu suurtogalaya.

Fasalka 3aad: Maxaad walwalka ka dhaxleysaa?

Dr Alexis Carrel oo ahaa dhakhtar u dhashay dalka Faransiiska kuna guuleystay abaalmarinta Nobel Prize caafimaadka sanadkii 1912, ayaa yiri: “Ganacsata walwalka ku badan yahay noloshooda waxay dhintaan xilli hore.”, sidaa darteed walwalka waxaa laga dhaxlaa cimir degdeg, waana sida uu Dale Carnegie uu ku qoray buugiisa. 

Fasalka 4aad: Sabaha walwalka keena iyo sida looga hortago

Si mushkilad ku haysta aad kaga hortagto uga saarto meesha, waxaa lagama maarmaan ah in tallaabooyinka la raaco:

1 .Xaqiiqooyinka jira isasoo hordhig

2 .Xaqiiqooyinkaa falaqee

3 .Go’aan kama dambeys ah ka gaar, kadibna go’aankaa ku howlgal.

Sideed ku eryi kartaa walwalka dhanka shaqada 50%

Haddii aad tahay gacansade dhanka shaqadaadana aad ka walwalsan tahay sameyso qaanuun aad dadka kula xisaabtanto oo aad go’aannada muhiimka ah ku gaarto.

Nidaam cusub raac oo marka hore xal mushkilad kasta saddexdan u raac:

1 .Mushiladu maxay tahay? 2 .halkey kasoo burqaneysaa? 3 .Xalalka suurtogalka ah ee mushkiladaasi waa maxay? 4. Xalka ugu wanaagsan ee aan qaadan karo muxuu noqon karaa?

Fasalka Lixaad waxa uu kaga hadlayaa sida walwalka maskxda looga eryo, waxa uuna ku talinayaa in nafta la mashquuliyo waxaanuu ku tilmaamayaa iney tahay dawada ugu wanaagsan uguna raqiisan ee uu qofku walwalka maskaxdiida kaga saari karo.

Fasalka 5aad: Tuko, Salaaddu waa dawada ugu wanaagsan ee walwalka. Qof muslim ah ma’aanuu ahayn, laakiin waxa uu aaminsanaa Alle iyo qiimaha ay salaaddu leedahay.

Fasalka 6aad: Haka walwalin eedaymaha laguu soo jeediyay ogowna eedaymaha laguu soo jeedinayaa waxay u dhigmaan heerka aad taagan tahay, eedaynta wanaagsan ee wax toosinta leh qaado oo ka faa’ideyso inaad noloshaada ku hagaajiso, tan kalena dhag ha u taagin.

Fasalka 7aad: Baro Nasashada iyo Madadaalada

Si aad naftaada u madadaaliso raac tallaabooyinka: Ku kalsoonow Alle isagana ku tiirsanow.

Jirkaaga hurdo ku filan sii. Noloshana dhanka wanaagsan ka eeg, intaa ka dib ku kalsoonow in caafimaadka iyo farxadda aad nasiib u leedahay.

Ugu dambeyn, runtii buuggan mid in lasoo kobo mudan maaha, waxaa habboon inaad wada akhriso, dhacdooyinkiisana aad muddo kadiba aad dib u eegto si aad noloshaada u cosbooneysiiso.

Maandeeq FM