Dalxiiska Buugaagta: “Waxaad Dhalatay Adigoo Taajir ah” – Bob Proctor

Barnaamijkeenna isbuuc laha ah ee Dalxiiska buugaagta waxaan ku soo qaadneynaan buug uu qoray Bob Proctor oo la yiraahdo “You were Born Rich” waxaad dhalatay digoo taajir ah.

Buuggan ayaa waxa uu soo baxay sanadkii 1997 oo barta online-ka ee Amazon la bilaabay in lagu iibiyo, darajo ahaan waxa uu gaaray 4.5 qiimaha guud ee buugaata ee 5 dhibcood ah.  qiimaha weyn ee buugani uu leeyahay waa  aad ku dabaqi karto noloshaada gaarka ah.

Qoraaga buugga waxa uu leeyahay,  Aadane kasta waxa uu dhashay isagoo qani ah, faqriguna oo nuqsaan yar oo si ku meelgaar ah qofka u qabsata oo uu ka kabsan karo. Buuggan waxaan u qoray si aad iskugu daydo inaad uga kabato gaabka halka aad taagan tahay iyo meesha aad u socoto u dhaxeeya, tallaabo tallaabo iyo fasalfasal, waxa uu kaa garabsiindoonaan ciyaarta game dhameystiran taas oo noloshu ay ku dhisan tahay caado ahaan oo aad ku dul dhisi karto sawirka taajirnimada oo caqliga aad ku xambaarato, si intaa ka dib aad uga howlgasho inaan taajirnimo dhab ah u abuurto naftaada.

Marka aad dhex dabaalato buuggan waxaad ogaandoontaa inaan kuu sheegayn wax cusub, waxaan sameyn doonaa oo kaliya inaan fakarkeyga ku cabiro, hab nidaamsan oo is haysta, oo kuu suurtogelin kara inaad gaarto natiijooyin aad dooneysay inaad gaarto xilli hore.

Maalin kasta dunida waxaa jira malaayiin qof oo hami leh iibsanaya tigidka bakhtiyaa-nasiibka, iyagoo sugaya in magacooda si lama filaan ah loogu dhawaaqo oo ay dhiisha faqriga tuuraan. Dadka noocaa sameeyaa ma oga in faraxadda iyo sareedada nolosha ay ku jirto in dibadda loo baxo oo lacagta si shakhsi ah uu qofku ku kasbado kuna shaqeysto ee arrintu maaha inaad lacag meel cidlo ah aad ka hesho.”.. haddii aad xaqiiqadaa ogaato, waxaad dareemi doontaa inaad haysato fursad aad mustaqbalka ku tiigsan karto taas oo aad ku riyooneyso xilliga aad joogto.

Waxaad raadineysaa waa wax gacmahaaga ku jira… qorshe aadka u fudud oo meesha aad hadda taagan tahay aad kaga dhaqaaqeyso, kaas oo ku gaarsiinaya halka aad tiigsaneyso ayaad buugga ka helaysaa. Waa tallaabo fudud oo marka hore aad ku kadsoomi karto, maxaa yeelay fasal kasta waxaad ka heli doontaa fikrad aad u qiimo oo wada guusha qeyb ka ah.

Qoraagu waxa uu leeyahay buuggan waxaan u qoray xaqiiqda wadiiqada caqli ee haddii aad raacdo aad ku gaareyso hadafka aad dooneyso inaad gaarto, fasal kasta oo aad akhriso heer ayaad ku gaareysaa , laakiin waxaa waajib ah inaad isasoo hor dhigto xaqiiqo aad muhiim ah oo ah: “Deeqaha aad ka helayso dhanka nolosha mid aad awoodda aad leedahay  ku gaari karto maaha ee waxaad ku tiigsan kartaa sida wanaagsan ee aad wax u qabsato.

Hadaba, haddii aad dooneyso inaad buugga sii akhriso guji halka hoose:

Nuskhadda Engilisha ka ah: Born Rich Book

Maandeeq FM