5-ta Shey ee Ugu Badan Ee Ay Dadku Ka Qoomameeyaan Xilliga Geerida

Isbuucan barnaamijkeena “Dalxiiska-buugaagta”, waxaan kusoo qaadaneynaa buugga magaciisu yahay The Top Five Regrets of the Dying (5 ta shey ee ugu badan ee ay dadka ka qoomameeyaan xilliga geerida), waxaa qortay Bronnie Ware, waxa uu suuqyada soo galay sanadkii 2011, goodreades waxa uu ka helay 3.7/5 ee halbeegga buugaagta lagu qiimeeyo. Bronnie waxay ahayd kalkaaliso caafimaad oo ka shaqeynaysay isbitaal ku yaalla gudaha dalka Australia.

Qoraaga buuggan ayaa si gaar ah ugu shaqeyn jirtay bukaanada sakaraadka ah ee geeridoodu soo dhawaatay.

Dadka marka ay arkaan in geeridoodu soo dhawaatay waxay leeyihiin xikmad goonni ah, waxaa hortooda imaaneysa xaqiiqada dhabta ah ee ay ka cararayeen noloshooda, qoraaga buugga waxaa u suurtogashay iney la kulanto dad aad u farabadan oo ku jira maalmihii ugu dambeeyay ee noloshooda, waxay u soo uruurisay ‘qoomameyntan’ si dadka nool inta ay naftu ku jirto caafimaadkana ay haystaan ay ugu wacyiqaataan oo ay uga faa’ideystaan noloshooda.

1 .Nolshooda sida aad rabto u noolaw

Waxaa nagu xeeran bulsho qof kastaaba uu doonayo inaad u noolaato habka uu rabo, waxaa laga yaabaa in laguu guuriyay qof aadan dooran laakiin waalidku kuu xulay, waxaa dhici karta inaad gashay kulliyad aadan rabin laakiin waalidku kula jeclaaday, iyadoo ay jirto in marnaba aanuu waalidku kula rabin dhibaato isla markaana uu jecelyahay inaad markasta nolol fiican ku noolaato, ayaa hadan go’aankaaga kuu gaarka ah iyo wadadaada goonida ah ee nolosha aaney jirin wax loo dhigaa.

Dadbadan oo inaga mid ah ma jecela iney bulshada iyo habkooda nolosha ay ka horyimaaddaan iyagoo ka baqay in la fogeeyo ama maslaxado kale oo gaar ah ilaashana. sidaa darteed inaad geesinimo sameyso oo noloshaada gaarka ah noolaato waa arrin muhiim u ah nolosha.

2 . Iska yaree shaqada faraha badan

Qofka waalidka ah ee doonaya inuu caruurtiisa nolol wanaagsan u helaa waxa uu sameeyaa dadaal dheeraad ah si uu nolol wanaagsan oo sharaf leh ay ugu noolaadaan, sidaa darteed waxa uu iloobayaa daryeelka naftiisa, waxa uu ka mashquulayaa inuu wakhti fiican la qaato, sidaa darteed; qoraaga buuggan waxay ku talineysaa in la isku dheellitiro qoyska iyo shaqada oo midna mid kale aan loo dayicin.

3 .Dareenkaaga gaarka ah muuji inta ay goori goor tahay

Dadbadan waxay dareenkooda u qariyaan sababo jira darteed, iyagoo u arka iney sidaasi u ammaan badan tahay, iyagoo ka baqaya qof kale waxa uu ugu jawaabi doono. Markaa waxaa habboon inaad dareenkeenna muujiso gaar ahaan qofka aad jecelnahay ee ehelkaaga ah, caruurtana uu waalidka u tahay la wadaago dareenka dhabta ah iyo sida aad u jeceshay.

4 .Ilaalinta saaxiibada kuu dhaw

Mashquulka nolosha ayaa waxa uu kaa dhigaya inaad qaadato go’aanno aad noloshaada marka ugu dambeysa ka qoomameyn doonto, waxaa dhici karta inaad saaxiibadaa ka fogaato adigoo wakhtiga dartii kaga dheeraanaya ama isku dir been ah kaga fooganaaya, waxaad go’aata saaxiibka rumaad inuu yahay rafiiqa nolosha marwalba inaad daryeesho sida qoyskaaga oo kalena lagaaga baahan yahay.

5 .Ku farax waxa aad haysato

In badan oo inaga mid ah ma arkaaan nimcada Illaahay siiyay ee waxay u hanqal taagaan waxa dadka kale gacantooda ku jira. Shayga 5aad ee qofka marka uu dhimanayo uu ka qoomameeyo waa farxadda wax gacantiisa ku jira oo uu ka baado iyo inuu eegi jiray waxa dad kale ay haystaan.

Ku qanacsano wax Illaahay ku siiyay ku farax, ha eegin waxa dadka kale ay haystaan ha ku mashquulin, noloshu way kooban tahay qeybta kaaga soo hagaagta ku farax oo daryeel.

Maandeeq FM