21-ka November Maalinta Macalinka Soomaaliyeed

21-ka Novembar waa maalin ku wayn umadda Soomaaliyeed, waxayna ku asteesan tahay maalinta macalinka Soomaaliyeed oo dalka iyo meel ay Soomaali joogtaba looga dabaaldago.

1974-tii bishii November 21-keeda ayaa loo aqoonsaday maalinta macalinka waxaana shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdii millateriga ahayd ee Maxamed Siyaad Barre ay si wadajir ah u muujin jireen muhiimadda maalintaan ay leedahay.

Waa maalin ka mid ah maalmaha ku wayn Qaranka, waxaana maanta oo kale la fasixi jiray dugsiyada iyo dhamaan goobaha kale ee waxbarashada si loo xuso kaalinta macaallinka loona wayneeyo.

Macalinku waa baraha iyo hagaha Ummadeed ee ka saara jahliga iyo si xun u fikirka. macalimiintu waa kuwo gudbiya ama ku faafiya waxbarashada adduunka oo dhan.

Umadaha adduunka ee horumaray waxay ku horumareen qiimeynta ay macallinka siiyaan, mushaarka uu qaato iyo tayada aqooneed ee uu leeyahay oo ay si weyn u ilaaliyeen.

“Runtii waa maalin aad iyo aad u weyn, gaar ahaan macallimiinta Soomaaliyeed ay wada sugaan, waa maalin loo asteeyay in macallinka lagu xasuusto qadarinta uu ku leeyahay darteed bulshada adduunka, haddii bulsho ay horumar gaar ah waxaa aasaas u ah macallinka, haddii umaddu ay dhinaca macallinka ka dhimato oo daryeelkiisa ka dhimato ummaddaasi way dib dhacday, Ummadda haddii la rabo iney horumarto waa in macallin keeda la qiimeeyaa.”, ayuu yiri professor Maxamed Cosoble oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog Tv oo ay bahwadaag yihiin Maandeeq FM.

Si kastaba, waxaa qof kastaaba ogyahay qiimaha uu macallinka wanaagsani bulshada ku leeyahay, sidaa darteed halku dhiggeenu sanadkan waa inuu noqdaa “Qiimee Macallinka si waxbarashadu qiimo u yeelato.”

Maandeeq FM