Wax Ka Ogow Taariikhda Xuska Maalinta Caalamiga ah ee “Ciribtirka Gaboodfalka Ka Dhanka ah Dumarka”

Ururrada Haweenka ee Adduunka ayaa maanta oo kale waxay sanad kasta u bilowda dabaaldagga maalmaha caalamig ah ee ka hortagga dhibaateynta dumarka.

Sababta Xuska Maalintan?

Maalintan caalamiga ah ayaa ah munaasabad lagu xusayo maalinta dilkii waxashnimada ahaa lagula kacay walaalaha Mirabal oo ah dumar siyaasadda u ol’oleeya ahaa jamahuuriyadda Dominican Republic sanadkii 1960, dumarkan ayaa amarkii dilkooda waxaa bixiyya digtaatoorkii Dominican xukumayay ee Rafael Trujillo(1930-1961).

Goormaa la calaamadeeyay?

September 17, 1999 ayaa golaha guud ee Qaramada Midoobay ay u ictiraafeen maalinta November 25 iney noqoto maalinta caalamiga ah ee ciribtirka dhibaateynta dumarka, go’aan tirsigiisu ahaa (134/54), Qarama midoobay ayaana ugu baaqday xukuumadaha iyo ururada aan dowliga ahaynba iney sameeyaan howlqabadyo kor loogu qaadayo wacyiga bulshada oo lagaga hadlayo bulshada heerka  dhibaatada dumarka loo geystaa gaariisan tahay.

Maalmaha uu xuskani soconayo?

Xuska maalmahan ayaa ka bilaabanaya maanta oo ah November 25, waxaanu soconayaa muddo 16 cisho ah oo lagu wacyigelinayo bulshada iney ka dhowrsadaan dhibaateynta dumarka.

Danta laga leeyahay waa maxay?

Qaramada Midoobay ayaa xuska maalmahan 16 ka ah uga golleh in laga hortaggo dhibaateynta dumarka, in kor loo qaado wacyiga bulshada dib udhaca uu ku jiro, iyo in dadka la iskugu keeno goobaha la iskugu yimaaddo oo halkaa lagu wacyigeliyo.

Maandeeq FM