Daawo..  Buugaagta Ugu Iibsiga Badan Dunida Isbuucan ee Liiska “New York Times Best Selling Author”

Waxaa lasoo bandhigay liiska “New York Times Bestselling Author” ee caalamiga ah ee buugaagta ugu iibsiga badan isbuuca, waxaana kaalinta koowaad ku jirta dhanka suugaanta ruwaayadda “Hardcore Twenty-Four“, halka ruwaayadda “OATHBRINGER” ee baariga dhaarta ee uu qoray Brandon Sanderson ay gashay kaalinta 2aad, kaalinta saddexaad waxaa galay ruwaayadda “End Game” ee uu qoray David Baldacci.

Dhanka kale, Buugaagta aan suugaanta ahayn waxaa hoggaaminaya oo kaalinta koowaad ku jira buug oo u qoray madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden oo la yiraahdo “Promise me, Dad”, waxaana laakiinta labaad ku jira buug uu qoray Madaxweynihii hore ee Mareykanka OBAMA, kaas oo la yiraahdo “Pete Souza“.

Maandeeq FM