Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee AIDS-ka: Wax Ka Ogow 7 Xaqiiqo oo Ku Saabsan Cudurka 2017

Maanta oo kale, December 1, sanad kasta waa maalinta caalamiga ah ee la dagaallanka cudurka HIV/AIDS. In maalintan la asteeyo waxaa go’aankeeda gaaray ururka caafimaadka adduunka W.H.O, halka golaha guud ee Qaramada Midoobay ay taageereen muhiimadda ay leedahay in maalinta la nooleeyo, waxayna kasoo saareen go’aanka tirsigiisu yahay 34/15.

Maalinta ayaa waxay u gaar tahay wacyigelinta bulshada ee khatarta cudurkani uu leeyahay iyo sababaha ugu badan ee uu ku faafo.

Sanadkan ayaa hal-ku-dhaggu waxa uu yahay “Caafimaadkeygu .. Waa Xaqeyga“, iyadoo tooshka lagu ifinayo in qof kasta oo adduunka ku nool uu xaq u leeyahay inuu caafimaad helo, halka uu doono ha joogo, goobta uu doono ha kaga noolaado dunida.

Hadaba, waxaan idiin soo gudbineynaa xaqiiqooyin ku aaddan Aids-ka oo aan kasoo xulnay shaxada tirakoobka ururka caafimaadka addduunka ee W.H.O uu soo saaray sanadkan 2017.

7 xaqiiqo oo ku aaddan AIDS-ka

1 .36.7 milyan ayaa cudurka la noolaa sanadka 2016.

2 .19.5 milyan oo qof ayaa helay daawooyinka lagula tacaalayo cudurka 2016.

3 .Intii uu cudurku bilowday dadka uu ku dhacay waxay gaarayaan  76.1 milyan oo ruux.

4 .Inta cudurka la ogaaday waxaa sababtiisa u dhintay 35 milyan oo qof.

5 .Sanadkii lasoo dhaafay waxaa la diiwaangeliyay 1.8 milyan oo qof oo uu cudurku ku dhacay.

6 .Iyadoo ay jiraan goobo farabadan oo cudurka lagu baaro ayaa hadana dadka og iney cudurka qabaan uu saamigooda boqolleeda gaaraya 51% oo kaliya.

7 .AIDS waa sababta koowaad ee dhiliyada soo koreysa ee Afrika u geeriyoodaan xilli hore, waxa uuna kaalinta 2 kaga jira adduunka sababta ay dhalinyardu u geeriyoodaan xilliga hore ee noloshooda.

Si kastaba, sida taariikhda cudurku sheegayso, markiisii ugu horreysay ee la ogaado waxay ahayd June 5, 1981,  gudaha dalka Mareykanka-inkastoo ay jiraan taariikho kale oo sheegay magaalada Paris iyo kuwo kale oo tilmaamaya  kaymaha Cameroon ay ahaayeen meelihii ugu horreeyay ee cudurka laga ogaado. Waxaa cudurkan si rasmi ah u helay markaska la dagaalanka cudurada iyo ka hortaggooda ee dalka Mareykanka”CDC“, dadkii ugu horreeyay ee laga hele waxay ahaayeen 5 nin oo Gay ah, magacii ugu horreeyay ee cudurka loo bixiyaana waxa uu ahaa GRID(Gay-related Immune Deficiency).

W/D: Khadar Xuseen

Maandeeq FM