Dalxiiska Buugaagta: 5 Luuqadood ee Jacaylka Loogu Muujiyo Caruurta

5 Luuqadood ee Lagu Muujiyo Jacaylka Caruurta “The 5 Love Languages for Children“, waa buug ka hadlaya barbaarinta ubadka waxaa qoray Gary Chapman, PhD iyo Ross Campbell MD. Waxaa loo loo aqoonsan yahay inuu ka mid yahay buugaagta barbaarinta ubadka kuwooda ugu wnaaagsan. Buuggan waxaa la daabacay sanadkii 1997, waxa uu  goodreads-ka ka helay 4.2/5.

Farqi weyn ayaa u dhaxeeya inaad ilmahaaga jeclaato iyo inaad si xad dhaaf ah u koolkooliso. Caruurto waa qoruxdeenna waxay ku koraan oo ay ku kaalin galaan kolba dareenka aan siinno yaraantooda, galdalool kasta oo ku yimaadda xiriirka waalidku iyo caruurtiisaa waxay saameyn taban ku yeelaneysaa noloshooda dambe.

Waddooyinka 5 ah ee jacaylka caruurta lagu muujiyo waxaa aad ugu baahan ilmo kasta ilmo kasta si uu u noqdo ilmo isku kalsoon oo go’aan gaari kara.

1 .Xiriirka jirka

In waalidku marka uu ilmihiisa arko uu laabta saaro, uuna dhunkado waa nooc koowaad ee luqadda jacaylka  waalidku ugu muujiyo caruurtiisa,  waana wadada ugu badan ee ay caruurtu ku fahmaan dareenka jacaylka ee waalidku u qabo.

2 .Erayada dhiirigelinta ah

Waxaa muhiim ah in caruurta ay waalidkooda ka arkaan dhiirigelin si ay u ogaadaan in waalidkood agtooda ay qiimo ku leeyihiin, laakiin waxaa muhiim ah inaad ka fiirsato erayada dhiirigelinta ah ee aad caruurtaada u jeedineyso, si ilmuhu akhlaaq wanaagsan ugu koro. Caruurtu markay wax wanaagsan sameeyaan haddii ay waayaan dhiirigelintii ay u baahnaayeen waxay moodaan in mushkiladi jirto.

3 .In wakhti lala qaato

Ogow wakhtiga gaarka ah ee aad ubadkaaga la qaadaneyso inuu ka dhigan yahay  maalgelin aad u sameynayso mustaqbalkooda, muhiim maaha intaad la joogto inaad muxaadarooyin iyo waanooyin sarsare u jeediso, waxaase muhiim ah inaad wakhti la qaadato oo ay arkaan waalidkood oo si gaar ah xaaladooda u daneynayo.

4 .Hadiyad  sii caruurtaada

Hadiyadu kama tarjumeyso qiimaheeda, ha ka xishoon inaad hadiyad qiimo jaban caruurtaada u geyso, adiga agtaada ayay raqiis ka tahay mooyaan caruurta agtooda waa wax weyn, ku dadaal in  haddiyaddu noqoto xilliyo gaar ah iyo xilliyada manaasabado goonni ah, iyadoo ay muhiimadeedu sii badaneyso marka canugu uu guulo dhanka nolosha ah gaaro.

5 .U Adeeg ubadkaaga

Maka ilmahaaga uu howl gacanta ku hayo aad aragto xitaa haddii uu kaligii qabsan karo kala qeybqaado idigoo u muujinaya inaad sidaa u sameynayso jacayl aad u qabto darteed. Isku dheelitir inaad ilmahaaga yar barto inuu naftiida ku tiirsano, adeegyada aad u qabananeysana u muuji in jacayl darteed aad ugu qabaneyso.

Si kastaba, in badan oo ka mid ah waalidiinta Soomaaliyeed waxay ka aradan yihiin dareenka jacaylka ubadkooda, taas oo dhalisa in caruurta qaar ay iska dhaadhiciyeen in waalidkood aanuu jeclayn, iyagaa markaa isku daya in dareenkii dhanka waalidka ay ka waayeen meelo kale iney ka buuxiyaan.

Maandeeq FM