Dalxiiska Buugaagta: 7-da Buug ee Ugu Wanaagsan Horuminta Nafta “Self development” Sanadka 2017

Qof kasta oo inaga mid ah waxa uu doonayaa inuu naftiisa horumariyo  oo awooddiisa uu soo bandhigo, adduunkana uu u sheego inuu yahay qof jira oo nolosha macno u yeelaya.

Baaritaan “Survey” ah oo la sameeyay sanadkii 2016 mu’asasada la yiraahdo “Stack Overflow” shaqaalaha online-ka ugu shaqeeya oo gaarayay ilaa 60,000(lixdan kun) oo qof, ayaa la ogaaday in 70% ay iyagu si gaar ah wax isku bareen, waxay aaminsanaayeen mabda’ la yiraahado “Self Learning” oo ah iney wax is baraan, labo ka mid ah shaqaalaha mu’asasada waxay ku guuleysteen shaqadooda iyagoo wax is baratay, jaamacad aan fariisan koorsooyinna aan meel kale ka helin.

Inaad wax is barto kaama garabsiinayso oo qura inaad shaqadaada ku horumarto ee laakiin waxay kaalin wanaagsan ka ciyaartaa inaad horumar ka sameyso xiriirka bulshada, xiriirkaaga jacaylka iyo caafimaadkaaga.

Hadaba, maadaama ay buugaagtu yihiin halka ugu wanaagsan ee aad naftaada wax ka bari karto, waxaan maanta idiin soo gudbineynaa 7 buug ee dhanka “Horumarinta shakhsiyadaada” ugu wanaagsan ee sanadka 2017, waana sida aan kasoo xigannay website-ka caanka ah ee la yiraahdo www.GoodReads.Com.

7 .The 10X Rule (Sharciyada 10 laabka)

Buugaan waxa uu soo baxay sanadkii 2011, waxaana qoray Grant Cardone,  waxa uu guul weyn ka gaaray dunida ganacsiga, buugaan ayaa qeyb ka mid ah waxa uu qoraagu uga hadlayaa sida aad ku yeelan lahayd hadaf nololeed isla markaana uga libin keeni lahayd, qeybta ugu badan buugiisa waxa uu uga hadlayaa habka mushkiladaha loo xalliyo. Buugga waxaa ku jira tusaalooyin farabadan oo ku aaddan shirkado mushaakil farabadan ay haysteen habkii ugu wanaagsanaa ee lagu xalliyaya iyo guulihii ay ugu dambeyn gaareen.

Qofkii doonaya in shirkaddiisu ay guulo waaweyn gaarto waxaa wanaagsan inuu buuggan qiimaha badan akhriyo.

6 .The Minimalist Mindset (Fikirka halka ugu hooseysa )

Buuggan waxaa qoray Danny Dover, waxaanuu soo baxay sanadkan 2017, buuggan ayaa waxaad uu ka hadlayaa sida aad ugu noolaan lahayd nolol wanaagsan, waxa uu inoo sheegayaa in noloshu aaney ku tiirsaneyn lacag oo qura, waxaa jira dad badan oo nolol faqri ah ku nool, waxa uu tusaalaynayaa buuggani sidii ay nolol ka wanaagsan tan ay ku noolyihiin u sameynsan lahayeen, waxyaabo ayuu kuu tilmaamaya ay tahay inaad noloshaada ka saarto, halka bedelkii aad booskooda ku buuxin lahaydna uu kuu sheegayo. Waxa uu kuu ku tusinayaa waxyaabo badan oo aad qaban karto laakiin aadan markii hore aadan ku fakareyn. markaa haddii aad doonayso cusboonaysiin oo aad nolosha rootiinka caadiga ah aad ka caajistay, waxaan kugula talinaynaa inaad buugaa akhriso.

5 .The Power of Now (Awoodda wakhti xaadirka)

Buuggan waxaa qoray Eckhart Tolle sanadkii 2004, waa buug horumarinta shakhsiga aan ku koobneyn ee laakiin si wanaagsan u dhisaya maskaxdaada, buuggan ayaa tilmaamaya iney qofka ay muhiim u tahay inuu xaaladda uu jogo uu ku noolaado oo aanuu ka fakrin mustaqbalka soo aaddan ama waxyaabihii murugada lahaa ee kusoo maray, si aad u hesho nolol farxad leh. Markaad go’aankaa qaadato waxaad ogaaneysaa in noloshu tahay mid aad u macaan.

4 .The 48 laws of Power (48 sharci ee Awoodda)

Buuggan waxaa qoray Robert Graane, waxaanuu soo baxay sanadkii 2000, buugga ayaa indhaheenna u furaya inaan ku nool nahay nolol tartan ah, waxaad tartan kula jirtaa dadka aad isku waddanka tihiin, buuggan marka aad akhrineyso ha u akhrin inaad qawaaniinta fuliso, ee laakiin u akhri ugu yaraan inaad la socoto, dadka qaar hab dhaqankooda iyo xeelahada ay u adeegsadaan iney ugu guuleystaan tartanka shaqada.

3 .Year of Yes (Sanadkii ogolaanshiyaha)

Buuggan ayaa soo baxay sanadkii 2015, waxaana qortay hawenay lagu magacaabo Shonda Rhimes, waa haweenayda soo saartay musalsalka caanka ah ee Gray’s Anatomy. Buuggan ayaa ah buug dhiirigelin ah oo hab casri ah ay qoraagu u diyaarisay.

2 .Thinking for a Change (fakarka inaad is bedesho)

Buuggan waxaa qoray John C. Maxwell  oo ah qoraa caalami ah, waxaana la faafiya sanadkii 2005, waa buug sida magaciisa aan ka dheehan karnaba ka hadlay isbedel, buugan ayaa ka hadlaya si gaar ah isbedellada yaryar ee sameynta ballaaran yeelanaya, buuggan ayaa waxaa  ka buuxa tusaalooyin muhiim ah oo waaqica dhabta ah ka tarjumay.

1 .Influence the Psychology of Persuasion (Saameynta iyo saykolojiyadda qancinta)

Buuggan waxaa qoray Robert B. Cialdini, PH D. buuggan ayaa waxa uu ka hadlayaa habka aad dadka kale ku qancinayso, haddii aad dooneyso inaad dadka kale saameyn ku yeelato oo aad qanciso, waa buug muhiim ah oo ku anfacaya.

  Maandeeq FM