Xaaf oo Ka Hadlay Faracyo Jaamacadda Ummaddu Yeelanayso oo Ay Ka Dhagax Dhigeen Mudug & Galguduud

Madaxweynaha Galmudug  Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in ay soo dhagax-dhigeen faracyo ay jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ay yeelanayso oo laga furayo magaalooyinka Galkacyo, Cadaado, Dhuusa-mareeb iyo Cabud-waaq. 

Hadalkan waxaa uu Mr. Xaaf ka sheegay magaalada Cabdu-waaq oo uu  ku sugan yahay wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cadullahi Farmaajo.

Ardeyda Galmudug ayaa heli-doona waxbarasho lacag la’aan ah oo ay hirgeliso Dowladda Federaalka ah, taasi oo astaan u noqon-doonta baahinta adeegyada dowladinimada ee gobollada dalka.

Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed waxa ay leedahay kuliyado kala duwan  ay ka mid yihiin beeraha, xoolaha, dhaqaalaha, caafimaadka, Injineeriyadda, waxbarashada, sharciga iyo saxaafadda.

Maandeeq FM