Bukaan Markii Labaad Muddo 7Sano Gudahood ah Waji Cusub Lagu Beeray!

Jariidada Telegraph ee kasoo baxda dalka Ingiriiska ayaa qortay war ku saabsan in waji lagu beerayo qof Faransiis ah oo 40 jir ah oo aan magaciisa la shaacin, iyadoo ay tahay markii labaad ee wajiga la bedelayo muddo 7sano gudahooda ah, dhacdo noqoneysa tii uu horreysay taariikhda.

Wakaaladda caafimaadka Biomedical ee dalka Faransiiska ayaa sheegtay in qalliinkani uu yahay kii ugu horreeyay ee noociisa oo kale ah, kaas oo suurtogal ka dhigaya in mar labaad hal qof waji lagu beero.

Bukaankan ayaa horey qalliin loogu sameeyay 7sano ka hor oo waji lagu beeray, laakiin uu jirkiisu diiday inuu la qabsado wajigii cusbaa. Labo bilood ayuu hadda isbitaalka ku jiray isagoo waji la’aan ah, waxaana lala sugayay in la helo qof kale oo waji ugu tabaruca si mar kale nasiibkiisa loo tijaabiyo loona eego in uu jirkiisu la qabsan karo iyo in kale.

Waxaa xusid mudan, qalliinka wajiga lagu beerayaa inuu yahay mid aad naadir u ah, illaa iyo hadana waxaa dunida laga sameeyay 40 qalliin oo qura, waa sida ay sheegayso Telegraph.

Guul laga gaaro qalliinka si loo ogaado waxaa loo baahan yahay in dhowr Isbuuc laga war sugo si ay iskula qabsadaan jirka iyo wajiga cusub ee lagu beeray bukaanka, halka caado dadka dhinta in xubnahooda jirka ku tabaruca laga helo wajiyada cusub ee bukaanka lagu beero.

Si kastaba, Qalliinkii ugu horreeyay ee waji lagu beerayo ayaa ahaa 12sano ka hor, markaas oo dhakhaatiirtu ay u bareereen in qof wajigii mid kale ay ku beeraan.

Maandeeq FM