Ka Dhigo 2018 Sanadkii Ugu Wanaagsanaa Noloshaada

Waxaa hadda sii dhamaaneysa bishii koowaad ee sanadka 2018, inta badan dadku waxay ka cowdaan sannooyin aan u wanaagsaneyn oo noloshooda soo mara, iyagoo mararka qaar bartooda bulshada kusoo qora, sanad xun, sanad madow, laakiin waxaa is weydiinleh; sanadkan wanaagiisa iyo samaantiisa ma qadar Rabbi oo aan waxba laga qaban karin baa mise waa wax aan nafteenna inagu u horseedi karno?

Qadar Rabbi waa halkeed oo cidina waxba kama qaban karto, waxaase jira waxyaabo badan oo aan nafteenna u horseedi karno oo xumaan iyo samaanba doorashadeeda gacanta la inoo galiyay, markaa adigu sida aad wax ka dhigato unbuu xaalku kuu noqonayaa.

Hadaba, si aan uga dhigno sanadkan 2018 mid kii ugu wanaagsanaa, waxaa lagama maarmaan ah inaan raacno talooyinka khabiirka cilmi-nafsiga iyo barbaarinta ku takhasustay ee la yiraahdo “Sihaam Xasan” oo inuu sharraxaysa sidii aan sanadkan uga dhigi karno kii ugu wanaagsanaa abid ee nolosheenna.

Khabiirkan oo la hadashay wargeysa “Youm7” ee gudaha dalka Masar ayaa waxay leedahay “Waan awoodnaa inaan sanadkan 2018 ka dhigno sanadkii ugu wanaagsanaa nolosheenna, waxaa la inaga rabaa oo kaliya inaan la nimaadno yididiilo wanaagsan, cibaado suuban oo ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee nolosha qofka wax ka bedela.”

Waxay hadalkeeda sii raacisay, waxaa jira tallaabooyin qofka ku garab siiya inuu caafimaadkiisa nafsiga ah xoojiyo,sanadka 2018 kana uga dhigi karo midkii ugu farxadda badnaa noloshiisa:

1: Yididiilo iyo rajo wanaagsan waa shay aasaasi ah, waxaa lagama maarmaan ah inaad nolosha si wanaagsan ku waajahdo xitaa haddii caqabadaha ugu waaweyn ay kaa horyimaaddaan.

2: Markasta ka shaqee sidii aad yoolkaaga nolosha ku tiigsan lahayd, xitaa haddii ay u eegtahay mid aan la gaari karin, shay la yiraahdo mustaxiil ma jiro waa marka doonis iyo go’aan uu is biirsado.

3: Dadaal dheeri ah ku bixi sidii aad dadka ku farxad gelin lahay oo aad garab ku siin lahayd, ka qeybqaado arrimaha bulshada deegaankaaaga oo ciddii wax tar u baahan garab qabo intii karaankaaga ah.

4: Dadka kugu hareeraysan la heshii, qofna qalbiga waxba ha ugu qaban, ‘Wixii tagay tiigsimaad ma laha’, wixii lasoo dhaafay khibrad iyo waayo aragnimo un kasoo qaado wixii soo haray iska tuur.

5: Ka dhigo jaranjaro Caqabadaha iyo dhibaatooyinka kaa horyimaadda, tallaabo kasta oo aad u aragto inaad ku fashilantay waa mid kuu sii dhawaynaysa inaad riyooyinkaaga gaarto, maxaa yeelay; waxaad ogaatay waddo lagu fashilmayo oo waad ka leexaneysaa hadhow, ha eegin arrimaha aan wanaagsan ee taban, marwalba eeg waxyaabaha wanaagsan ee aad haysato.

Maandeeq FM