Ma Caraysan Tahay? Cunnooyin Dareenkaaga Wanaajin Kara

Marnaba ma kugu soo dhacday in xaaladda dareenkaaga ay xiriir la leedahay nooca cunnooyinka aad qaadato. Daraasaado dhowr ah oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in jirku siyaabo kala duwan ula falgalo cunnooyinka kala duwan ee qofku isticmaalo, arrintaas oo si toos ah xiriir ula leh dareenka qofka ee maalintii , farxad, murugo iyo caro…

Hadaba, waxaa idiin soo gudbineynaa cunnooyinka qaar oo qofka dareenkiisa lagu wanaajiyo, gaar ahaan marka uu xanaaqsan yahay ama uu muro dareemayo. waxaa ka mid ah:

1 .Kalluunka nooca “Salmon

Salmon waxaa laga helaa maaddooyinka cunno ahaan jirku tamarta uu ka helo, waxaa ugu horreeya omega-3 acids, halka kalluunka si guud uu jirka ku dhiirigeliyo inuu soo saaro hormoonka dopamine oo mas’uul ka ah hagaajinta dareenka qofka.

2 .Shukulaatada

Daraasadaha la sameeyay waxay hoosta ka xariiqayaan in shukulaatada madow ay hoos u dhigto hormoonaadka walwalka iyo murugada sababa ee uu ugu horreeyo hormoonka Cortisol.

3 .Canabka

Canabka waxaa laga helaa Antioxidants oo uu ka mid yahay flavonoids taas oo qofka ku taageeraysa hagaajinta xaaladda dareenkiisa oo niyad-jabkana waa lagu baabi’iyaa.

4 .Qumbaha

Qumbaha iyo biyaha gudihiisa ku jiraba waxaa laga helaa faa’iidooyin degdeg ah oo qofka dareenkiisa isla markiiba si wanaagsan wax ka bedeli kara.

5 .Masagada(hadhuudhkaw)

Waxaa laga helaa amino acids farabadan oo loo aqoonsan yahay il dhameystiran oo borootiinka laga helo, folate, magnesium, phosphorus iyo manganese. Macaadintaas oo dhani waxay xoojiyaan tamarta uu jirku u baahan yahay, waxayna kaalin wanaagsan ka qaataan dareenka qofka.

Si kastaba, waxaa kale oo jira illaa 4 cunno oo dareenka qofka lagu hagaajin karo, waxaa ka mid ah; Strawberry,  Fungus, Nucule, Avocado.

Maandeeq FM