Dhibaatooyin Ka Jira Xeebta oo Saameyn Ku Yeeshay Caafimaadka, Bilicda iyo Jillaabatada Kalluunka Muqdisho

Xeebaha Muqdisho ayaa waxaa ka jira dhibaatooyin farabadan oo is biirsaday, meelaha qaar waxaa yaalla sun haraadiga warshadaha, halka goobo kalana ciidii iyo dhagaxii laga dhameeyay oo carro-kaawo iyo dhagaxaan guryaha lagu dhisto looga qodayay, halka dhibaato kale oo ah in qashinka lagu shubo ay jirto.

Hadaba, wariyahanna “Cali Aloore” ee goobjoog Media Group (Maandeeq FM ay ka qeybtahay) ayaa warbixintan ku eegaya dhibaatada qashinka lagu shubo goobo ka tirsan xeebta Muqdisho oo saameyn ku yeeshay bilicdii, caafimaadkii iyo jillaabashadii kalluunka, waxa uu warbixintiisa ku bilaabay:

Goobtan qashinka waxaa la keenaa habeenkii waxaana la kulmay iyadoo qashinka badda lagu shubayo, Axmed Jabal oo ka mid ah Kalluumeysatada gobolka Banaadir oo aan la kulmay ayaa ii sheegay:

“Qashinkaan qaar maqaayadaha ayaa laga keenaa qaarna waxaa laga keenaa suuqyada qaarna waxaa laga keenaa Xamar-weyne gudaheeda xaafadaha, habeenkii intii gaari dameerro lagu soo raro ayaa meeshaan la keenaa waxaan ku jirnaa dhibkaasi”.

Haraadiga cuntada maqaayadaha, baco ,caagadaha biyaha, saxaro oo badda lagu shubo ayaa sababay in Kalluunkii laga heli jiray badda uu yaraado sidoo kalena ay Kalluumeysatada ay soo jillaabtaan Malaay aan bad qabin caafimaad ahaan sida uu sheegayo Prof Xasan Meyre oo ku taqasusay culuumta badda.

“Qashinkaasi lagu shubayo Labo arrin ayuu sababaa midda koowaad waxay tahay baddii ayuu ku abuuraa wasaqow, wasaqowgaas waxaa uu keenayaa meeshii in lagu dabaallan waayo, lagu raaxeysan waayo, Soomaalida waan naqaan mararka qaarkood dharka ayey ku dhaqdaan, dharka in lagu dhaqan waayo ayuu keenaa haddii dabaal ay caruurta u tagaan korkiisa waxay ku abuuree xasaasiyad, midda Labaad waxaa baaba’aya bilicdii badda waxaa kaloo baaba’aya noolihii badda ku jiray”.

Wasaqda badda ayaa lagu arkay meello ka baxsan gobolka Banaadir sida ay ku waramayaan dadka ku nool degamada Baraawe ee gobolka Shabeellaha hoose kuwaas oo sheegay Malaay badda ay soo tuftay.

Si looga gudbo dhabar go’a ku imaanaya Malaayga xeebaha  Soomaaliya gaar ahaan deegaannada badda laga wasaqeeyo waxaa uu ku talinayaa Prof Xasan Meyre sidan.

“Waxaan talo ka soo jeedin lahaa inta qashinka uu kuu jiro ayuu cudurka kuu jiraa waxaan rabaa inaan u sheego dadka ka shaqeeya ilaalinta deegaanka lacagaa looga qaadaa dadka in qashinka laga fogeeyo marka waa in la geeyo meelaha loogu talogalay qashinka in la geeyo, waxaan rabaa inaan u sheego musqulaha laga qaado magaalada Curubo ayaa lagu shubaa marka lagu shubana waxaa ka dhaco wasaqeyn ay keeneyso badda waxaana ku dhimanayo Kalluun cusub”.

Si kastaba, September 20, 2017. Wasiirka ku Xigeenka Wasaaradda Maaliyaadda Prof Cabdullaahi Sheekh Cali “Qaloocow” oo booqasho ku tagay kulliyadda Culuumta baddda ee Khaliif Macow ayaa yiri: “kalluunkeennii baddeennii dhibaatada ka jirta, waxaan saaka ku arkay meeshan waxay ku qurux badan tahay in golaha wasiirrada la geeyo ee arkaan dareenkooda waan hubaa inuu is bedeli doono, baddii wasakh ayaa ka buuxsantay, dhagax sidii looga jabinaayay hadda Xamar waxaan ka baqaayaa in dhawaan baddu qaaddo, caafimaad waxaan arkay fuustooyin sun ah oo meelaha qaar ku wada daatay oo dadkii ku jiran yihiin.”

Ugu dambeyn, xilliyadan oo kale marka uu kulayluhu soo dhawaado waxaa dillaaca cudurro ay dadbadani ku dhintaan oo shuban biyoodku ka mid yahay, haddii qashinkii magaalada laga fogeyn waa khatar loo bareerayo maxaayeelay “Ka hortaggu waxa uu ka fiican yahay daawada’.

Maandeeq FM