Facebook oo Xirtay Malaayiin Account oo Been-abuur ah

 

Shirkadda Facebook ayaa ku dhawaaqday iney xayirto malaayiin account been-abuur ah oo barta laga furanto, waxaana sidaa lagu sheegay bayaan ay shirkaddu soo saartay oo loo gudbiyay guddiga sirdoonka congress-ka Mareykanka.

Shirkadda ayaa hoosta ka xariiqday iney si joogta ah uga shaqeyso hagaajinta nidaamka lagu xakameeyo xisaabaadka cusub ee been-abuurka ah, kuwaas oo kasoo horjeeda siyaasadaha ay bartu ku shaqeyso.

Bayaankan oo soo baxay Janaayo 8, 2018, laakiin Khamiistii shalayna ay congress-ku faafiyeen ayaa lagu yiri: “Maalin kasta waxaan xayirnaa malaayiin account been-abuur ah, maxaa yeelay nidaamkeenna waxa uu darsaa habdhaqanka xisaabaadka ay dadka xuni adeegsadaan oo aan dhaqankooda qarin karin.”

Si kastaba, arrintan ayaa ka dhigan in Facebook ay si rasmi ah u bilowday iney xayirto xisaabaadka beer-abuurka ah ee dadka xuni sida khaldan u adeegsadaan ee barta ka furan.

Maandeeq FM