Saynisyahanno: Haddii Ninka Laga Helo Astaamahan 9-ka ah Gacantiisa Ha Siidayn

Kadib markii cululmada-saynisku ay tobonaan sanno baarintaanno kala duwan ku wadeen isku day ay ku ogaanayaan sirta ah in qof jacayl ku dhaco, waxay heleen astaamo 9 ah oo lagama maarmaan ay tahay in qofka dumarka ay ka eegto lamaanaha nolosheeda ay la qaybsanayso ee ay nafteeda u xulayso.

Jariidada Independent ee dalka Ingiriiska kasoo baxda ayaa soo uruurisay 9 astaamood oo ay tahay in qofka dumarka ah ka eegto lamaanaheeda nolosha, haddii qof sifooyinkaa leh amaba badkooda uruursaday ay gacanta ku dhigtana aaney sii dayn waligeed. Sagaalkaa qodob waxay kala yihiin:

1 .Caqi Badnaan

Daraasad ay sameysay jaamacadda Hanken ee dalka Finland  ayaa lagu ogaaday in ragga caqliga badani ay ku dadaalaan sidii ay guurkooda ku ilaashan lahaayeen oo aaney marnaba si sahlan ku burburin.

2 .Madadaalo badan

Inaad hesho qof kaa qoslin kara waa arrin muhiim ah, maxaa yeelay waa fursad aad u ballaaran oo xiriirka lamaanaha sii xoojin kara.

3 .Ku garab taagan

Daraasad la sameeyay ayaa daaha ka rogtay in raggu kaalin muhiim ah ku leeyihiin go’aanka ay dumarku garaan illaa heer gaarsiisan saddex meelood oo laba meel, sidaa darteed qof ku garab taagan oo shaqadaada iyo waxbarashadaada kugu taageeraya inaad heshaa waa muhiim, haddii aad guriga joogtana shaqada guriga iyo daryeelka caruurta kaalintiisa ka qaadan kara.

4 .Soo dhaweeya asxaabtaada iyo qoyskaaga

Qofka dumarka ah inta badan caado uma laha iney nolosheeda qoyska ay jecaylkeeda dartii u burburiso, laakiin waxaa aad u yar ragga daryeel dheeraad ah siiya qoyska iyo asxaabta lamaanahooda nolosha, gaar ahaan marka uu xiriirku cusub yahay.

5 .Hiillo leh

Waxaa muhiim ah inuu ra’yigiisa si aan gambasho lahayn u sheegi kara, waxa dhibaayana si kasti leh u sheegan kara, dareenka xaaskiisana fahmi kara marka ay hiiladiisa iyo qof garab istaaga u baahan tahay.

6 .Dhageyste wanaagsan ah

Dr. John Gottman waxa uu buugiisa “The Seven Principles of Making Marriage Work” ku sheegay marka ninka lamaanihiisa nolosha uu u diido talooyinka qaar, taasi wxay muujinaysaa inuu yahay qof amar ku taagleynta jecel. Waa halka ay Soomaalidu tiraahdo ‘Ninka ragga ah naagtiisaaa ka adag’.

7 .Ku Dadaalka guusha xiriirka

Haddii labada lamaane ay marwalba ku fakaraan waxa ugu wanaagsan ee la gaari karo, bedelkii intii ay ku dadaali lahaayeen inuu xiriirku guulaysto, arrintaasi mid wanaagsan maaha.

8 . Ku farxa guulahaaga

Waxaa muhiim ah guulaha aad gaarto inaad ammaan kaga hesho lamaanahaaga; sida; haddii aad miisaankaaga wax ka dhinto ama luuqad cusub aad barato, haddiise aad aragto inaanuu guulahaaga ku faraxayn, taasi waa arrin kale.

9 .Ma isla jaanqaadi kartaan

In hal aragti la wadaago oo ku saabsan mustaqbalka, waxay fure muhiim ah u tahay xiriirka, marka aad aragti ahaan isku soo dhawaataan, mushkilad kasta oo idin soo waajahda si isku mid ah ayaad u xalin kartaan.

Maandeeq FM