7 Caado ee Subixii Hore Ay Ka Siman Yihiin Dadka Nolosha Ku Guuleystay

Joornaalka Teak ee kasoo baxda dalka Spain ayaa qoray warbixin uu kaga hadlay caadooyinka subixii  ay leeyihiin dadka nolosha ku guuleystay, qof kasta oo caado ka dhigtaana uu ka helayo maskax furan, yididiilo wanaagsan, caajis iyo daalna ay is daynayaan.

Joornaalka ayaa sheegay in xilli hore oo lasoo kaco oo noocyada kala duwan ee gaadiidka la raaco si maalin shaqo oo adag ah loo waajaho ay sabab u noqon karto in awoodda qofku wiiqanto, isla markaana uu dhamaado diyaar garowga laga soo bilaabo ilbiriqsiyadii ugu horreya inta aanuu qofku gurigiisa kasoo bixin, oo markaa uu shaqada gaaro isagoo meel uu ku nasto raadinaya daal farabadanna uu ka muuqdo.

Joornaalku waxa uu sheegay si maalinta qofku u noqoto mid firfircooni badani ka buuxdo, dadka khubarada ah waxay ku talinayaan in muhiimad gaar ah la siiyo caadooyinka subixii. Shaki kuma jiro in go’aan adkida iyo doonistu; qofka iney ka dhigaan inuu waajaho carqalad kasta oo ka hortimaadda.

Nasiib wanaag, waxaa jira caadooyin fudud oo dadka nolosha ku guuleysay ay ku dhaqmaan subax kasta; si ay u ilaashadaan firfircoonidooda iyo yididiiladooda wanaagsan ee dhanka nolosha, waxaa ka mid ah:

1 .Qofka nolosha ku guuleystay maalintiisa waxa uu ku bilowdaa niyad wanaagsan, waxa uu ku fakaraa inuu maalintiisa ka dhigto tan ugu wanaagsaneyn ee naftiisa soo marta.

2 .Waxa uu u diyaar garoobaa inuu shafka u dhigto howl kasta oo adag oo loo baahdo.

3 .Waxuu u diyaar garoobaa inuu shakhsiyan u waajaho shaqooyinka ugu adag waa caadooyinka lagu yaqaano dadka guulaystayaasha ah, sidaa darteed shaqada adag ayay u soo hormariyaan howshooda, si maalinta qeybaheeda dambe, waxay gadaal u dhigtaan shaqooyinka fudud.

4 .Waxay u diyaar garoobaan shaqo adag oo wakhti dheer ah si awood badan, kuma fakaraan shaqadu sida ay u adag tahay ee waxay naftooda ka dhaadhiciyaan iney adduunka wax ka bedeli karaan.

5 .Adeegsiga baraha bulshada ee xilliga hore ee subixii way ka fogaadaan.

6 .Subixii hore waxay ciyaaraan sports, waana wadada ugu fiican ee firfircooni iyo niyad dhiska laga helo.

7 .Waxay isku dayaan in wakhtiga subixii ah ay qoyskooda wax ka siiyaan, xitaa kuwooda ugu mashquulka badan, si ay tamar togan halkaa uga helaan,iyagoo niyaddoodu aad u wanaagsan tahay guriga uga soo baxaan.

Ugu dambeyn, jariidada Teak waxay leedahay haddii caadooyinkan wanaagsan aad raacdo subixii, waxaad noqoneysaa qof caqli furan, haddii caado maaleed aad ka dhigatana waxaa shaki la’aan ah in daal iyo caajis toona aadan dareemayn, maalintaada shaqo si kastaba ha u adkaatee.

Maandeeq FM