Daraasad: Baraha Bulshada oo 4 Saacadood Lagu Qaato Maalintii Khatartan Ayay Leedahay

Daraasad cusub oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in dadka sida aadka ah u isticmaala baraha bulshada ay cimridegdeg 10% la kulmaan si ka badan dadka kale ee asaagood ah.

Cilmibaarayaal ka tirsan jaamacadda Stanford ee dalka Mareyka oo daraasaddan fuliyay ayaa sheegaya in mushkiladaha caafimaad ee ka dhasha dhex-maquurashada baraha bulshada ee wakhtiga dheer ay geeri xilli hore ah oo qofka ku timaadda sababaan.

Daarasaddan ayaa hoosta ka xarriiqday in qofka sida aadka ah ugu xiran baraha bulshada uu wakhtigiisa ku qaato 4 saacadood oo ka mid ah maalintii, halka qofka caadiga ah uu saacad wax aan dhaafsiisneyn ku jiro baraha bulshada.

Cilmibaarayaasha daraasaddan diyaariyay ayaa xusay in dadka adeegsada baraha bulshada ay mararka qaar sameeyaan tallaabooyin aan akhlaaq ahayn si ay u soo jiitaan Like farabadan dhanka dadka kale ee bartooda ku xiran.

Caadi ahaan dadku baraha bulshada uma galaan iney aqoontooda ka kordhiyaan ama sports ay sameeyaan, waxay naftooda u diidaan fursad ay  caafimaadkooda xilli dheer ku ilaashan kari lahaayeen. Iyadoo isbedbedlka wejiga ee sida joogtada ah u saameeya qofka ee farxadda iyo murugoba leh, uu soo dedejiyo calaamadaha duqnimada ee dhanka wejiga.

Maandeeq FM