5 Talo oo Kordhineysa Aqbaaladda Codsiga Minxooyinka Waxbarasho ee Dalka Turkiga

Bilowga bisha soo aaddan waxaa bilaabaneysa qabashada araajida ardayda minxo waxbarasho ka dooneysa iney ka hesho gudaha dalka Turkiga.

Is diiwaangelinta minxada ee ardayda daraasaadka sare ee Masters iyo PhD waxay bilaabaneysaa February 5, halka Bachelor-kana ay bilaabaneyso April 16, 2018.

Hadaba si aad is diiwaangelin dhameystiran u sameyso waxaan idiin soo gudbineynaa 5 talo oo aqbalaaddiina kordhineysa “Minxooyinka Turkigu” uu bixiyo.

1 .Hadda Sii Diyaargarow:

-Furo account isna diiwaangeli adigoo linkigan gujinaya:  https://tbbs.turkiyeburslari.gov.tr/auth/register

-Intaa ka dib waxaa kuu dhiman inaad doorato nooca minxada aad dooneyso iyo codsigaaga oo aad buuxiso, takhasuskaaga oo aad doorato, recommendation letter, iyo qoraalka ulajeedada oo la doonayo sababta minxada aad u doonayso inaad uga hadasho.

-Si rasmi ah ha isku diiwaangelin illaa aad isbuuc ugu yaraan ka fiirsato codsiyada iyo buuxinta shuruudaha ku horyaalla.

-Arday kasta inuu hal Account oo qura furto ayaa laga rabaa, haddii aad dhowr Accoun oo kala duwan aad furato minxadaa inaad ku dhacdo ayay u badan tahay.

2 .Marka aad is diiwaangelinsayo waxyaabahan si gaar ah uga taxadar:

-Hab aan nidaamsaneyn ha isku diiwaangelin.

-Si wanaagsan u akhri shuruudda takhasusyada laguu soo bandhigo.

-Jaamacadaha waaweyn oo qura xoogga ha saarin waxaa dhici karta in kuraasta takhsuska aad u baahan tahay uu mar hore buuxsamay, markaa magaalooyinka waaweyn iyo jaamacadaha ugu caansan oo qura xoogga ha saarin.

-Haddii aad dooneyso Bachelor, isku day inaad xulato takhasusyo kala duwan oo iska dhaw, maxaa yeelay ardayda dugsiyada sare ka soo qalinjabisay ee codsiyadooda soo gudbineysaa aad ayay u farabadan yihiin markasta.

3 .Dooro Takhasusyada Cusub kana fogow halka ay dadku u badan karaan

Takhasusyada aqbalaadoodu  yartahay waxaa ka mid ah; Luqadaha, Sayniska hawada sare ee cirbixinta, takhasusyada dhanka diyaaradaha ah iyo daraasaadka sare ee caafimaadka ilkaha.

4 .Beegso jaamacadaha dadka ajaanibta ah laga aqbalo

Jaamacadaha dalka Turkiga ka dhisan waxay kor u dhaafayaan 200 oo jaamacadood dhammaantoodna dadka ajaanibta ah ma wada aqbalaan, magaalooyinka dadka ajaanibta ah laga aqbalo waxaa ka mid ah; Konya, Asky Shahir, Ankara, Skaria.

5 .Si Gaar ah u Eeg Warqadda ulajeedada

Marka aad minxada codsaneyso waxaa jira khaanado badan, waxaa ka mid ah warqadda ulajeedada aad minxada u dooneyso, waxaad isku daydaa inaad qodobadan iska eegto:

-Qor mowduuca aad dooneyso inaan cilmibaaris ka sameeyo daraasaadka sare.

-Caddee khibaradahii hore ee aad mowdiica ee horey aad u lahayd.

-Qor macallimiinta iyo jaamacadaha ku soo jiitay ee mowda aad dooneyso.

-Caddee qorshahaaga si aad takhasuska u dhameyso.

-Sababta aad takhasuska ku dooratay iyo waxa kaaga bilaaban.

Talooyin Kale oo muhiim ah

-Xoogga saar xaaladda waddankaaga iyo sida mustaqbalka aad mushkiladihiisa wax uga qaban karto.

-Qor sida aad u xiisaynayso tijaabada ah inaad waddanka Turkiga wax ku barato.

-Soo bandhig xirfadahaaga iyo taalantigaaga gaarka ah.

-Ka fogow wax kasta oo nooc baryo ah u ekaan kara, maxaa yeelo wax miro dhal ah ma laha, taa bedelkeeda qof daciif ah ayaad u ekaaneysaa.

Ugu dambey, qoraalkaaga si kooban u qor, ogow in xaaladda waddankaaga si wanaagsan looga war haayo, inaad runsheeg noqotona ku dadaal, maxaa yeelay way kula kulmayaan waxaad sheeganaysana adigoo hor fadhiya ayaa lagaa hubinayaa.

Maandeeq FM