Shirkadda Google oo Soo Kordhisay Adeeg Cusub oo Faa’iido u Leh Cidkasta oo Internet-ka Isticmaasha

Waxaa jira waddooyin farabadan oo xawaaraha internetka lagu qiyaaso, laakiin shirkadda Google ayaa suuqa soo gelisay adeeg cusub oo faa’iido u leh cid kasta oo internet-ka isticmaasha.

Magaca adeeggan cusub ayaa loo bixiyay “Google fiber“. Si adeegani kuugu shaqeeyo qofka doonaya inuu isticmaalo waxaa la waydiinayaa inuu hubiyo shabakadda internet-ka inuu ku xiriirsan yahay qalabkiisu iyo xiriirka internetka uu sameynayaa uu yahay mid la isku halleyn karo oo ammaan ah.

Shirkadda Mareykanka laga leeyahay ayaa caddeysay in adeeggani uu diyaar ku yahay oo laga isticmaali karo wadamo badan oo adduunka ah, halka wadama qaar aanuu ka shaqeynayn sababo dhanka ammaanka ah darteed.

Isticmaalkiisa

Google furo, kadib ku qor badhanka raadinta Google test Speed owner, kadib kasii dooro Google Fiber Speed Test, markaa waxaa kuu suurtogalaysa inaad ogaato xawaaraha qiyaasta internet-ka ee aad haysato.

Maandeeq FM