4-ta Caado ee Maalkaaga Xadda Adigoon Dareen Saneyn

Dunida aan ku noolnahay waa duni badeecadu ku badan tahay oo waxyaaba oo cusub daqiiqadba ay iska soo dabadhcayaan, waxaa fudud inaad si sahlan wax ku iibsato. haddii dakhliga kusoo galaa uu wanaagsan yahay, lacagaha sida caadiga ah kaaga baxa kara iyo waxyaabaha cusub ee aad ka maarmi karto marka aad si wanaagsan u maareyso, hadhow waxa ay kaaga soo bixi karaan meel wanaagsan oo noloshaada iyo tan caruurtaada mustaqbalkooda dambe anfacda.

Website-ka “Time” ayaa qoray warbixin ku saabsan 4 dhaqan oo sababa in maalkaaga gubto adigoon ka warhayn:

1 .Iibsiga Waxyaabaha Cusub

Haddii aad ka mid tahay nooca dhalinyada safafka dhaadheer u gasha taleefanada cusub, waxaa waajib ah inaad ogaataa in wakhti kastaa uu jiro shay cusub oo suuqa yaalla oo model ah dadkuna ay isla markiiba si aad ah ugu daadan karaan.

2 .Tukaamada qiima dhimista sameeya

Marar badan waxaa dhacda in tukamaadu ay badeecooyinka qaar qiimahooda dhimis ku sameeyaan, marka aad soo iibsato badeecooyin qiimo jaban ah laakiin aadan si xoog ah ugu baahaneyn, qiimahooda oo qurana aad ku raacday, taasi waxay keenaysa in markasta aad soo iibsato badeeco jaban oo laakiin aadan u baahneyn, halkaa lacago farabadan ayaa kaaga lumaya.

3 .Cuntadaadu guriga dibaddiisa ayay u badan tahay

Haddii quraacdaadu maqaaxi saran tahay, qadaadana hotel-ka ugu fiican lagaaga keeno, waxaad ogaataa adigoon ogeyn in lacagtaadu gubaneyso. cunnooyinka dibadda laga cunaa waxay dhibaato ku tahay jeebkaaga oo lacago farabadani ka baxayso, iyadoo ay kuu suurtogalayso inaad raashinka ugu wanaagsan uguna kharashka yar inaad gurigaaga ku diyaarsato.

4 .Ma lihid qorshe aad kharashkaaga ku maareyso

Waxaa sahlan inaad kharash farabadan bixiso haddii aadan lahayn miisaaniyad go’an oo aad naftaada ku maareyso, haddii aadan gareyn halka maalkaagu ku gubanayo isla markaana aad xakameyn kari waydo doonistaada, waxaad arki doontaa in dayn badani ku soo raacayso oo adiga daalac laguu raacan doono si kasta oo mushaarkaagu u fiican yahay.

Si kastaba, Dadka intooda badani ma jecla iney miisaaniyad go’an sameystaaan. Sababta ma is waydiisay? Waxay aaminsan yihiin iney si wanaagsan u shaqeeyaan isbuuc kasta, isla markaana ma doonayaan iney xirxirnaan dhanka nolosha ah dareemaan. Xaqiiqaduse waxay tahay inaaney fahamsaneyn  qorsheyntu waxa ay noloshooda ka bedeli karo. Haddii aad kharashkaaga xadiddo, halka ay wax kaaga baxayaanna aad si gaar ah ula socoto wax noloshaadan culeys ku noqonaya ma aha, kaama hor istaagayso inaad iibsato waxaad u baahan tahay, danta qorsheynta laga leeyahay ayaa ah, inaad jihayso waxyaabaha howl-tabinta kuu leh ee noloshaada muhiimka u ah, mustaqbalka dambana aad u aayi doonto.

Maandeeq FM