Isticmaalka Facebook oo Is Dhintay 50 Milyan oo Saacadood Maalintii Zuckerberg Dartii

Barta bulshada ku wada xiriirto ee Facebook ayaa ku dhawaaqday in hoos u dhac 50 milyan oo saacadood ah maalin ay bartu waajahayso maalihii dambe, iyadoo arrintaa uu horey ugu dhawaaqay madaxa fulinta shirkadda Mark Zuckerberg oo horey u sii odorasay in hoos u dhac la filan karo.

In kasta ay kordheen dadka sida aadka ah ugu xiran barta si maalinle ah ama bille ah u isticmaala barta 14%, ayaa hadana dhanka kale dadkii barta ku xiraan ee Mareykanka kasoo gali jiray ay is dhimeen 185 milyan illaa 184 milyan maalintii, halka goobo kalena kobocii laga filayay mid ka hooseeya laga diiwaangeliyay.

Mark Zuckerberg ayaa November-tii lasoo dhaafay sheegay in horistaagga in barta si xun loo adeegsado ay saameyn ku yeelan karto faa’iidooyinka shirkadda, waana sida dhacday.

Saddexdii bilood ee ugu horreysay ee 2017 Facebook waxaa soo galay 13 bilyan oo dollar oo faa’iidada saafiga ah ay tahay 4.3 bilyan, bilihii soo haray ee sanadkaa waxaa shirkadda soo galay faa’idooyin dheeraad ah oo 8.8 bilyan ah iyo 3.6 bilayan ah sanadkii lasoo dhaafay,  iyadoo kobacaasi jiro ayaa hadana faa’iidooyinka soo xarootay ay ka hoosaysaa heerkii la filayay, halka kor u kucu uu ahaa 19%.

Maandeeq FM