Qaanuun Cusub: Xabsi u Dhaxeeya 3 Bilood illaa 2 Sano oo Lagu Xukumayo Qof Kasta oo Walaashii Garaaca

Guddiga sharci dejinta iyo cadaaladda ee baarlamaanka dalka Morocco ayaa meel mariyay hindise sharciyeed lagula dagaalamayo gabadoodfalka dumar, faafaahintiisana ay ku jirto gaboodfalka ka dhex dhaca dadka walaalaha ah in xabsi lagu mutaysanayo.

Arrintu kuma koobna un gaboodfalka labada qof ee isqaba, waxaa ku jira qodob ka hadlaya gaboodfalka walaalala ka dhex dhaca, qof kasta oo lagu helo inuu garaacay walaashii waxa uu mutaysan karaa xabsi u dhaxeeya 3 bilood illaa Labo sanno oo horey laga fulinayo.

Qodobkan waxaa soo kordhiyay gudiyada baarlamaanka oo gacanta ku hayay hindise sharciyeed ay soo gudbisay wasiirka haweenka iyo horumarinta bulshada Bassima Hakkaoui ee dalka Morocco.

Maandeeq FM