7 Calaamadood oo Ku Tusinaysa In Xiriirka aad La Leedahay Maamulahaaga Shaqda Uu Marayo Meel Khatar ah

Xiriirka adag ee gudaha shaqada waxa uu hagaajin waxqabadkaaga, laakiin haddii aad; aad ugu dhawdahay maamulahaaga shaqo, waxay kuu soo jiidi kartaa dhibaato ka badan nacfigii aad ka heli lahayd, waxaa aad u wanaagsan inaad xiriirka ugu fiican ka sameysato shaqadaada saaxiibadaada kale la yeelato aadna aad ugu dhawaato, laakiin haddii maamulahaagu uu saaxiibkaa noqdo, arrintaasi waa mid walaac leh, gaar ahaan marka uu yahay qofka go’aanka ugu dambeeya iska leh.

Sida ay qortay jariidada “huffingtonpost” ee dalka Ingiriiska kasoo baxda, Khubarada waxay sheegayaan iney jiraan 7 calaamadood oo ku tusinaya xiriirka aad maamulahaaga la leedahay inuu galay marxalad khatar ah.

1 .Shaqada aad qabato wax qiimeyn ah kama heshid

Haddii aad ku dhaw dahay maamulahaaga waxay u badan tahay inaadan ka helin wax qiimeyn dhanka shaqada ah, talooyinkii aad u baahneydna aad ka heli waydo taas waxay hoos u dhigeysaa nafsadaada oo horumarka joojineysa.

2 .Adeege

Marka aad dareento in mashaariicda muhiimka ah aan lagaa qeybgalineyn, laakiin xilliga martiqaadyada lagu soo casuumayo si ka badan saaxiibadaada kale ee shaqada, waa arrin khatar ah, maxaa yeelay saaxiibadaada kale shaqada ayay taasi cadaawad ku abuuraysaa, habdhaqankooduna uu ku adkaanayaa, waa sida uu qabo Lynn Taylor oo ah khabiir goobaha shaqada isla markaana ah alifaaga buugga “Tame Your Terrible Office Tyrant: how to Manage Childish Boss Behavior & Thrive in Your Jo.”

3 .Saaxiibada kale ayaad ku kaftantaan

Alena Gerst oo ah khabiir Psychotherapist-ga ku takhasustay ayaa waxay leedahay “Waxba kuma jabna inaad saaxiib la noqoto maamulahaaga shaqada, laakiin arrintu ma wanaagsana marka aad labadiinnu ku xaraabaysataan saaxiibada shaqada oo wax lagu sheekaysto aad ka dhigataan, arrintaasi waxay hoos u dhigaysa niyadda shaqaalaha kale, waxayna dhibaatadu soo gaareysaa waxsoosaarka guud ee shirkadda.”

4 .Kulamadiinna caadiga ah oo ka farabadan kuwa shaqada

Haddii aad si aad ugu dhawa dahay maamulahaaga, waxaa isku dhex darsama diilinta u dhaxeysa shaqada iyo xilliyada sheekada caadiga ah, khatarta meesha ku jirtaana waa inaadan helayn garabkii aad uga baahneyd si aad shaqadaada u horumariso.

5 .Markaad ku khasban tahay inaad shaqada ka dib la kulanto

Lynn Taylor waxay leedahay “Waa arrin wanaagsan in maamulahaagu uu casho kugu casuumo, laakiin haddii kaligaa si gaar ah uu u soo xusho, waxay u badan tahay in arrintu howlaha shaqo ay ka dhex bixi karto. waa inaanuu kaa dareemin inaad diidayso, haddii uu xoogaa caajis ah kaa dareemo waa inaad ku qanciso sababta caajiska aad u dareemayso.”, ha isku halleyn ogow inaad markasta shaqadaada sida ugu fiican aad u qabsato.

6 .Ha ka dhigan dhakhatar caafimaad

Ka digtoonow inaad maamulahaaga kala hadasho mushkiladaha dhanka shaqada aad kala kulanto, waxaa kuu wanaagsan inaad arrimahaa ka fogaato marka aad si gaar ah u wada sheekaysanaysaan.

7 .Marka uu xiriirku isku bedelo mid kaftan ah

Waa dhici karta in maamulahaagu kuu bixiyo naaneys kaftan ah oo aadan ka helin oo  dareento ciriirti iyo inaanuu habdhaqankiisa ku cajabgelin, hadaba arrintaasi waxay dhalineysaa jawi cadowtooyo oo aan looga baahaneyn goobta shaqada.

Si kastaba, tallaabooyinkan waxa ugu muhiimsan ee aan ka faa’idi karto waa inaad markasta ogaato khataraha kugu xeeran marka aad maamulahaaga shaqada saaxiib ka dhigato, mar isaga ayayna u wanaagsaneyn oo waa marka habdhaqankiisu saaeyn ku yeelsho niyadda shaqaalaha kale waxsoosaarkiina uu hoos u dhacayo. Marka ay adiga saameynta kugu yeelanaysaana waa marka aad horumar dhanka shaqada ah sameyn kari waydo oo saaxiibadadii kale ay horumar dhanka shaqada ah iyo khibrad taada ka badan ay yeeshaan adigoo weli meeshaadi fadhiya.

Maandeeq FM