8 Nooc oo Dadka Ka Mid ah Isla Haddaba Xiriirka u Jar!

Sanadkan cusub waxa uu kuu yahay fursad aad saaxiibada xunxun xiriirka ugu jari karto, noloshaadana aad uga goyn karto dadka aan kuu fiicneyn, ha noqdaan kuwo aad isla shaqeysaan ama saaxiibbo gaar kuu ah oo qoyskaaga aad ku leedahay.

Sida lagu soo daacacay jariidada “huffingtonpost” Khubarada cilmiga bulshada ayaa waxay soo koobeen 8 qeybood oo aadanaha ka tirsan oo inaad xiriirkooda inaad isla hadda jartaa  kuu habboon tahay.

1 .Qofka niyad-jabka badan

Dadka noloshaada ku hareeraysan waa iney noqdaan kuwo aad mar kasta dhiirigelin ka heli karto guulahaagana ku farxa.

Sheri Meyers oo ku takhasustay guurka iyo arrimaha qoyska ayaa waxay tiri: “Dadka niyad-jabka badan waxay leeyihiin awoodo ay farxadaada kaaga burburin karaan, arrimaha wanaagsanna ay ugu bedeli karaan niyad jab, dan kama laha waxa adiga kuu wanaagsan, kuma garab taagnaan karaan.”

2 .Qofka Shakiga badan

Noocani waa kuwo mar kasta weerara aragtidaada gaarka ah, si aad ugu dambeyn naftaada uga shakiso.

3 . Daneyste

Waa qofka doonaya inuu si joogto ah uga faa’ideysto wakhtigaaga, dadaalkaaga iyo ilahaaga dhaqaale si uu ugu daneysto

4 .Qofka dhibka badan

Qoys kasta waxaa ku jira qof mushkilado farabadan naftiisa u soo jiida, adigana inaad mushkiladihiisa xalliso mar kasta kaa doonaya, qofkaas oo kale waxaa fiican inaadan wax lagac ah aadan amaahin mushiladaha ay mukhadaraadku ka mid noqon kartana aadan ku caawin, ka gaabso illaa uu isbedelayo oo qof wanaagsan noqonayo waa ra’yiga ay qabto khabiirka psychotherapist ee la yiraahdo Tina B. Tessina.

5 . Saaxiib hal dhinac laha ah

Saaxiibtinimadu waa iney noqotaa xiriir is dhameystira oo laba dhinac ah, haddii aad aragto in waajibaadka saaxiibtinimo adiga un aad kasoo baxayso, laakiin dhinaca kale marka uu danta kaa leeyahay un aad arkayso, taasi mid wanaagsan maaha, waa inaad xiriirkaa si dhakhsiyo ah u jarto.

 

6 .Qofka khaladaadkaaga ugaarsada

Waxaa jira dad ku wanaagsan iney khaldaadka qofka kale u gaarsadaan si ay mustaqbalka dambe ugu ceebeeyaan, qofkaa waxaad ku aqoonsaneysaa inuu ku xasuusiyo inta badan khaldaadkaagii hore marka uu naftiisa difaacayo.

7 . Qofka Eedaynta badan

Waxaan aaminsan nahay in dadka saaxiibada ah ay wax iska sheegeen si ay isku saxaan, laakiin si joogto ah maaha, qofkan eedayntiisu kuma salaysan inuu wax hagaajiyo ee waxa uu uga golleeyahay inuu farta kugu godo si dadku ay kuug arkaan qof aan wanaagsaneyn.

8 .Wadaayga nolosha ee suntan badan

Haddii wadaaygaaga nolosha uu mushkilado khatar ah leeyahay sida; beenta, daroogada, liis dambiyo horey uu ugalayna aad ka ogaato, cudurdaar ha u sameyn xiriirka, waa inaad isla markiiba xiriirka u jartaa, maxaa yeelay qofkaas oo kale in la bedelaa way adag tahay, inuu suntiisa kugu taabtana way dhici kartaa xilli kastaaba.

Maandeeq FM