Daraasad 10 sano Qaadatay oo Lagu Baaray Xiriirka Kansarka iyo Shucaaca Mobile-ka ka Dhexeeya

Warbixin ay soo saareen cilmibaarayaal Mareykan ah oo u kuurgalay khataraha caafimaad ee suurtogal ah ee mobile-ka gacantu leeyahay, ayaa waxay ogaadeen in labka jiirka daraasaddan lagu baaray, markii loo bandhigay shucaac la mid ah kan mobillada,  waxaa kansar ku dhacay unugyada ku xeeran wadanaha.

Sida Bloomberg ay qorta, in kasta oo natiijadan la gaaray ay muhiimad gaar ah leedahay ayaa hadana waxay khubaradu sheegayaan inaan la dhihi karin waxay ku dabaqmeysaa aadanaha si 100%.

Caalimka reer Mareykan ee madaxda ka ah barnaamijka caafimaadka Toxicology-ga ee la yiraahdo John Bucher ayaa si cad u sheegay: “Arrinta muhiimka ah waxa weeyaan nooca kansarka aan aragnay waxa uu la mid yahay kii wakhti hore ka hor lagu arkay daraasaadkii laga sameeyay dadka mobillada sida aadka ah u isticmaala.”

Dr. Otis Brawely  oo ah agaasimaha khubarada caafimaad ee jamciyadda kansarka Mareykanka, ayaa yiri “Haddii dadka mobile-ka isticamaala ay daraasaddani walwal ku abuurto waa iney adeegsadaan sameecadaha dhagaha si ay khatarta shuucaaga uga dhowrsadaan.

Si kastaba, daraasaddan ayaa qaadatay muddo 10 sano ah, kharashka ku baxayna waxa uu gaaray illaa $25 milyan oo doolar, waxaa xoogga lagu saaray xiriirka mobile-ka iyo kansarka ka dhaxeeya, natiijada kasoo baxdayna waa mid walwal badan dhalisay.

Maandeeq FM