Wariye Daawadayaasheeda Ugu Deeqday $1milyan oo Doolar!

Wariyaha caanka ah ee la yiraahdo Ellen DeGeneres ayaa daawadayaasheeda ku abaalmarisay 1 milyan oo dollar oo deeq lacageed ah.

Jimcihii lasoo dhaafay ee February, 2 . oo Ellen ay qabatay xalqadeedii caadiga ahayd ayaa waxay si lama filaan ah u sheegtay iney go’aan ku gaartay daawadayaasheeda iney ku tabarucdo lacag, si ay iyaguna howlo samafal ah u sii sameeyaan, waxayna ku tartarsiisay in hal-milyan oo ficil wanaagsan ah ay sii sameeyaan. qeybtina lacagtaa waxay la kaashatay shirkadda raashinka sijillan sameysa ee Cheerios.

Daawadayaasheeda waxay ka dalbatay in qof kastaaba uu eego kursiga uu fadhiyo hoostiisa, qof kastaaba waxa uu ka helay baakat sijilan, waxay u sheegtay iney helidoonaan lacago si isle’eg loogu qaybiyay oo illaa $1 milyan oo doolar gaaraysa!. Markii ay arrintii maqleen ayay farxad is hayn kari waayeen qaylo iyo sawaxanna goobtii is qabsatay.

Ellen waxay tilmaantay iney jiraan dadbadan oo daawadayaasheeda ka mid ah oo ficillo wanaagsan sameeyay, dadkaa waxaa ka mid ah macallimad kalli u saartay waalidka mid ka mid ah ardaydeeda oo kalyuhu ka fariisteen.

Maandeeq FM