Wasiir Ingiriis ah oo Sabab Lama Filaan ah Isku Casilay!

Wasiir Ingiriis ah oo khamiistii ka hor hadlayay golaha Lords oo ka mid ah aqalada baarlamaanka UK, ayaa si lama filaan ah isku casilay kadib markii 5 daqiiqo oo qura uu kasoo dib dhacay xilligii loo ballansaan inuu golaha hadal ka hor jeediyo.

Wasiirkan oo la yiraahdo  Michael Bates oo 56 sano jir ah ayaa waxaa u yeeray golaha Lords-ka iyagoo doonayay iney su’aalo ka weydiiyaan sinnaashiyo la’aanta dakhliga, laakiin waxa uu soo dib dhacay 5 daqiiqado, waxayna arrintaasi dhalisay in mas’uul kale uu ka jawaabo su’aal loogu talagalay in wasiirka la hordhigo.

Dadka baraha bulshada adeegsada ayaa waxay isla dhexmarayeen muuqaal wasiirka oo xilli dambe soo gaaray goobta, dib u dhaca wuu ka cudur daartay, waxaanuu sheegay in wixii dhacay ay ceeb ku yihiin, isla goobtii ayuuna isku casilay shirkiina wuu ka baxay.

Muuqaalka waxaa laga dhex maqlayay codsi golaha kasoo dhex yeerayay oo wasiirka ka dalbanayay in aanuu is casilin, iyadoo murugo ay goobtii isku bedeshay maadama ay is casilaaddu mid lama filaan ah ku noqotay xubnihii golaha Lords.

Si kastaba, sharafta iyo mabaadi’da shaqada in la dhowraa waxay muhiim u tahay horumarka dal kastaa, haddii aadan shaqadaada qabsan karin fursadda u banne qof kale oo kaa wanaagsan. waa mabda’ uu wasiirku doonayo inuu iibiyo.

Ugu dambeyn, Ra’isul wasaaraha dalka Ingiriiska Theresa May oo socdaal ku joogta dalka Shiinaha ayaa diidday iscasilaadda wasiirka, waxayna u aragtay inaaney arrintu mudney wax uu wasiirku isku casilo, waa sida uu sheegay afhayeenka ra’isul wasaaraha oo Jimcihii shalay saxaafadda la hadlay jariidada Washington Post ay soo xigatay.

Maandeeq FM