8 Talo oo Kaa Garabsiineysa in Kulankaaga Koowaad ee Jacaylku Noqdo Mid Guulaysta.. Ha iska Qaadin “Selfie”

Inta badan dhinac kasta si aad ah ayuu u soo diyaar garoowaa ballanta koowaad ee dadka guurdoonka ah, iyadoo qofkastaaba uu rajeynayo iney halkaa ka bilaabato nolol guur ah oo farxad leh muddo dheerna raagta.

Joornaalka “Refinery29” ayaa qoray talooyin kugu garabsiin karta in kulankaaga koowaad uu noqdo mid guuleysta.

8 talo oo Kaa Garabsiineysa in Kulankaaga Koowaad ee Jacaylku Noqdo Mid Guulaysta

1 .Fadhiga koowaad guur hasoo hadal qaadin, hadafkaaga koowaad ee kulanku ha noqdo is barasho.

2 .Ballanta kulanka koowaad ha aadin adigoo shaqo ku soo daalay ama mushkilado kale ay ku haysato, waxaa lagaa rabaa in maskaxdaadu ay saafi noqoto oo nastay firfircoonina ay kaa muuqato inaad kulanka aaddo.

3 .Dharka aad xireysaa ha noqdo kuwo qurxoon oo kalifaadina aaney ka muuqan.

4 .Dhanka qofka dumarka ah maaha in makeup ay iska soo badiso, gaar ahaan ragga intooda badani ma jecla arrintaasi.

5 .Haddii kulankiinna koowaad uu noqdo mid casho ah, dooro raashin fudud oo dharag farabadan aan lahayn.

6 .Ka fogow nadaafadda saa’idka ah si aan laguugu arkay inaad tahay qof shaki badan, si fudud u dhaqan xaaladdana ha adkeyn.

7 .Ka fogow inaad iska qaaddo sawir Selfie ah shakhsi ah, ha sawiran miiska aad wax ku cuneyso, sidaas oo kale ka fogow inaad mobile-kaaga ka isticmaasho baraha bulshada.

8 .Saacadda marnaba ha eegin, waa arrin xeerka hareer marsan, maxaa yeelay; waxaa loo qaadan karaa inaad fadhiga ku caajistay,  sida ay wax u socdaanna aadan la dhacsaneyn.

Maandeeq FM