Deeqaha Waxbarasho ee Caalamiga ah ee Bishan February Aad Codsan Karto

Rabitaanka qofka ee waxbarashada dibadda waa mid arday kastaa ku taamo, qof kasta oo doonaya inuu mustaqbalkiisa hagaajinayaana uu ku fakaro inuu mar un ka faa’ideysto minxo waxbarasho oo uu ku qaato mid ka mid ah jaamcadaha dibadda ee tayada sare leh.

Hadaba, waxaan idiin soo uruurinnay oo aan idiin soo gudbineynaa minxooyinka waxbarasho ee ugu muhiimsan bishan February:

1 .Minxada Daraasaadka Masters-ka ee Ardayday Adduunka ee Dalka Holland

Jaamacadda Leiden ee dalka Holland ayaa bixisa minxooyin waxbarasho oo ardayda Masters degree-ga rabta ah, waxaan minxadan ka faa’ideystay ardayda darajada sare ee midowga Yurub dibaddiisa ku nool, takhasusaadka ay bixineysaa waxay u badan Qaanuunka dhinacyadiisa kala duwan iyo ammaanka Internet-ka “MSc in Cyber Security“.

Shuruudaha

a .Luqadda Ingiriiska inuu qofku ku wanaagasan yahay isla markaana uu haysto imtixaanka qiimeynta luqadda ee TOEFL ama IELTS oo aan labo sanno kasoo wareegan ugu yaraan.

b .Minxada qeyb ahaan adigaa iska bixinaya

website-ka rasmiga ah ee minxada

Halkan iska diiwaangeli

2 .Minxada Masters ardayda caalamiga ah ee culuumta deegaanak mac’hadka Cyprus

Minxadan ayaa ah mid dhanka culuumta deegaan ah u gaar ah, waxaad ka heli kartaa barnaamijka culuumta deegaanka oo 14 bilood ah -90 ECTS, iyo masters MPhil oo culuumta deegaanka ah oo 18 bilood ah-120 ECTS.

Minxadan ayaa ah mid si buuxda laguu maalgelinayo.

Shuruudaha waxay la mid tahay jaamacadaha kale ee adduunka, luqadaada Ingiriiska oo wanaagsan iyo shahaado la  aqoonsan yahay.

Halka riix si aad u dalbato

3 .Minxooyinka Ardayda PhD dhameystay ee MTA-ga dalka Hungary

Minxadan waxaa bixiya akaadamiyadda “Magyar Tudomanyos Akademia” ee loo yaqaanno MTA, minxadan waxay hoos galaysaa qorshaha maalgelinta ee MTA Premium oo ah barnaamij cilmibaarista PhD ka dib ah; si loogu adeegsado cilmibaarista laga sameeynayo shabakadda MTA inta u dhaxaysa September 1, 2018 illaa August 31, 2021.

Riix halkan si aad isku diiwaangeliso

4 .Barnaamijka masters degree ee Chemical Nanomaterials Engineering “Erasmus Mundus”

Waa barnaamij masters degree ah oo saddex jaamacadood oo ku kala yaalla Faransiiska Poland iyo Talyaaniga ay ku midoobeen, waxaana xoogga lagu saarayaa Chemistry-ga.

Shuruudaha

Waxaa loo ogolyahay waddamo gaar ah oo illaa 21 dal gaaraya, Soomaaliyana ay ku jirto, luqadda Ingiriisku waa lagama maarmaan, waana minxo si dhameystiran laguu maalgelinayo.

Wixii faahfaahin ah halkan riix

5 -minxada Masters degree ee kulliyadda caafimaadka London

Minxadan waxaa la siiyaa ardayda dunida ee dowladaha dakhligoodu hooseeyo iyo kuwa dhexdhexaadka uu yahay, laakiin ardayga marka uu waxbarashada dhameysto waa inuu waddankiisa dib ugu laabtaa.

Shuruudaha

Ardayda fursadda u helaysaa waa iney dowladahan ka tirsan yihiin; , Algeria, Egypt, Iraq, Jordan, Lebanon, Comoros, Libya, Morocco, Mauritania, Somalia, Syria, Tunisia iyo Yemen.

Waa minxo si dhameystiran ardayga loo maalgelinayo.

Wixii faahfaahin dheeraad ah halkan riix

6 .Bachelor jaamacadda Quest ee dalka Canada ah

Maa minxo ay bixineyso jaamacadda Quest University Canada, waa mid dhameystiran oo ardayda heerka sare lagu taageerayo iyadoo aan la eegayn halka uu kasoo jeedo iyo waddanka uu ka tirsan yahay.

Shuruudaha

Waa in darajada ardayga ee shahadaada dugsiga sare aaney ka yareyn 90%, luqadda Ingiriiska uu ku wanaagsan yahay, mudada 4sano ah waxbarashadaada si dhameystiran waxaa u kafaalo qaadaysa jaamacadda.

Wixii faahfaahin intaa dheeraad ah riix halkan

Maandeeq FM