Lo’ Ay Dadku Si Weyn Ula Caadifoodeen Kadib Markii Ay Ka Baxsatay Kawaan Qalliin Gudaha Dalka Holland

Lo’ ayaa waxay diidday in kawaanka qalitaanka ee dalka Holland la geeyo, anfariirkii ay ka qaaday waxay ku gashay kayn ka agdhaweyd kawaanka, arrintan ayaa dhalisay ol’ole ballaaran oo lagu garabsiinayo, waxaa ka qeybgalay axsaab siyaasadeed iyo xubno ka tirsan qoyska boqortooyada dalkaasi.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa mas’uulka kawaanka ugu sarreeya ka soo xigatay inuu yiri: “In lo’da uu argagax ku dhacay markii loo waday kawaanka qalliinka. Xilligaa laga soo bilaabo cid ku dhacda iney soo qabato waa la waayay.”

Neefkan Lo’da ah ayaa kaynta isku qariyay, habeenkiina waxa uu usoo hoydaa meel ka agdhow xeradeediisii hore.

Qisada lo’dan ayaa kicisay mowjado ol’ole ah oo dhanka baraha bulshada ah, halka xisbi siyaasadeed uu ku dhawaaqay ol’ole tabarucaad ah oo neerkaa lo’da ah lagu taageerayo.

Qoyska boqortooyada ayaa sidoo kale aan arrintan ka aamusin, xubno ka tirsan qoyska ayaa ku dhawaaqay in neefkaa lo’da ah la iibiyo oo kawaanka qalliinka laga badbaadiyo.

Illaa hadda waxaa la uruuriyay 50,000(50Kun) oo Euro oo ah lacag ku filan in neefka kawaanka looga badbaadiyo, laakiin waxaa habboon in la sugo dhowr maalmood si uu u dago in loo dhawaadaana ay u suurtogasho, si aanuu mar kale u argagixin oo duurka horey ugu sii gelin.

Maandeeq FM