Nin Dhakhtar Been ah Sheegtay oo HIV Qaadsiiyay Dad Farabadan Gudaha Dalka India

Mas’uul sare oo ka tirsan waaxda caafimaad India ayaa sheegay Maanta in qof dhakhat iska soo dhigay uu dad deegaan faqiir ah ku noolaa 21 qof oo ka mid ah uu qaadsiiyay fayruska HIV Aids kadib markii uu cirbad qura u istcmaalayay dhammaan bukaanada u yimaadda.

Sushil Choudhury oo ah mas’uul ka tirsan waaxda caafimaadka India¬†ayaa sheegay in boolis ay raadinayaan¬†Rajendra Yadav oo ka baxsaday Bangaramau oo ah tuulo yar oo ku taalla gobolka Uttar Pradesh state ee gudaha dalka India.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inaanuu inta badan irbadda bedeli jirin, iyadoo la aaminsan yahay in arrintaasi tahay sababta ugu badan ee dadka fayruska ay ku qaadeen, waa sida uu aaminsan yahay Choudhury.

Caafimaadka India ayaa waxaa aad ugu yar dhakhaatiirta iyo isbitaallada, sidaa darteed malaayiin qof oo faqrigu dishooday ayaa aada dadka dhakhaatiir sheegta si ay is daaweyn jaban uga helaan.

Waxaa xusud mudan, in dalka India ay ku noolyihiin 2.1 milyan oo qof oo xambaarsan Viruska HIV Aids, waana sida lagu sheegay warbixinta sanadlaha ahayd ee UN-ku ay soo saareen 20016.

Maandeeq FM