7 Waxyaabood oo u Qarsoon CIA Aadan Jaclaysaneyn Inaad Wax Ka Ogaato!

Wakaaladda sirdoonka Mareykanka ee loo yaqaanno CIA, ayaa waxay ka mid tahay wakaaladaha sirdoonka ka shaqeeya kuwooda ugu waaweyn, waxay wararka iyo macluumaadka sirta ah u raadisaa Mareykanka, bilihii lasoo dhaafay ayaa dadbadani wararka wakaaladda si gaar ah u baadi goobayeen kadib markii ay dibadda u soo baxeen warqado sir ah oo ku saabsan dilka madaxweyihii hore ee Mareykanka John F. Kennedy iyo hoggaamiyihii Nazi-ga Jarmalka ee Adolf Hitler.

Website-ka “msn.com” ee dalka Mareykanka kasoo baxa ayaa dibadda soo dhigay 7 sir oo wakaaladda u qarsoon oo dadka aaney jaclaysanayn iney maqlaan:

  1. Waxay akhrisaa 5 milyan oo Tweets maalintii

Waxaa dhici kartay iney si gaar ah ula socdaan waxqabadkaaga baraha bulshada, sida ay sheegtay wakaaladda “Associated Press”, waxay sidaa u sameynayaan waa si ay ula socdaan ra’yiga dadweynaha adduunka iyo afkaarta ay aaminsan yihiin. Waxay si gaar ah u akhriyaan maalintii 5 milyan oo tweets oo barta twitter-ka lasoo dhigo, oo lagu daray qalabka kale electronic-ga smarts-ka ah sida mobillada iPhone, Android, telefishinnada iyo computer Apple oo qalab goonni ah ugu xiran yahay.

2. Waxay leeyihiin Mutxaf sir ah

CIA waxay leedahay mutxaf sir ah oo ku yaalla gudaha Langley, badka uu ku fadhiyaa waxa uu gaarayaa 11000-square foot, waxaa dhexyaalla mashaariicdii fashilmay, sida diyaarado sidii cayayaanka oo kale loo sameeyay, kalluun robot ah waxaana loo yaqaannaa “mutxafka ugu wanaagsan ee aadan booqan karin.”

3. Baarintaanadii ay ku sameeyay noole duni kale ku nool

Qof kasta oo internetka isticmaalaa waxa uu booqan karaa website-ka “CREST”, ee CIA ay leedahay, waxaa ku jira 930 kun oo documents ah.

Website-ka ayaa waxa uu kuusoo bandhigayaa 12 milyan oo safxadood oo laga qoray baaritaannada jiritaanka in noole duni kale ku nool uu jiro iyo in kale oo far sir ah ku qoran.

4. Starbucks Coffee

Waa maqaaxida “Starbucks Coffee” ee caalamiga ah xarunteeda xafiiska weyn ee CIA da ku leedahay, ee gobolka Virginia, maqaaxidan adigoon warqad ogolaanshiyo amni ah aan haysan ma geli kartid, halka dalabaadka magacyadooda kuwo aan ahayn loo yaqaanno.

5. Derbiga Daahsoon

Sagaashamaadkii Qarnigii aan soo dhaafnay ayaa waxaa derbi laga dhisay xarunta CIA, waxaa la yiraahdaa KRYPTOS cidina illaa iyo hadda ma aaney garan fariinta ku qoran waxay gudbineyso.

6. Habka ay wax ku ciqaabaan

Warbixinno CIA laga diyaariyay ayaa sheegaysa in habka ay wax ku ciqaabaaney ay ka mid tahay music-ga kooxda “Red Hot Chili Peppers, 1980s oo ay u shidaan dadka waxa ay ugu yeeraan argagixisada ay u haystaan.

7. Aflaamta ayay sameeyaan

Mukhaabaraadka Mareykanku waxay soo saaraan aflaam, horey ayay u iibsadeen xuquuqda soosaarista ruwaayadda “Animal Farm” kadib markii uu alifaagii riwaayadaasi geeriyooday George Orwell sanadkii 1950, kadibna waxay u bedeleen filim illaa hadda la daawado.

Maandeeq FM