Garsoore Soomaaliyeed oo Madax Ka Noqday Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee “ICJ”

Dr. Cabdiqawi Axmed Yusuf  oo ah garsoore Soomaaliyeed ayaa loo doortay madaxweynaha maxkamadda cadliga dunida ee ICJ.

Dr. Cabdiqawi, waxaa uu xubin ka ahaa garsoorayaasha maxkamadda tan iyo 2009-kii, isaga oo madaxweyne ku-xigeen ahaa tan iyo  6 February 2015-kii.

Garsoore Cabdiqawi waxaa uu ku dhashay Eyl September 12, 1948-dii, waxaa uu wax ku bartay Jaamacadda umadda 1973, Hague Academy of International Law 1974 iyo University of Florence, Italy 1976-1977.

Waa garsoorihii Soomaaliyeed ee ugu horreeyey ee derejo illaa heerkaas ah ka gaara hay’adaha cadaalada ee caalamiga ah.

Maxkamadda Cadaaladda Aduunka (International Court of Justice):

Waxaa la dhisay 1945-tii, waxay ugu duwan tahay Maxkamadda Dambiyada Dagaalka iney tahay hay’ad Garsoor oo Qaramada Midoobay hoostimaadda, xarunteeda dhexe waxay ku taalla Den Haag oo ah magaalo ku taalo Galbeedka Holland, waxay fiirisaa Eedaha iyo Codsiyada ay soo gudbiyaan dowladaha.

Maxkamadda waxay ka kooban tahay 15 Garsoore oo ay soo doorato Qaramada Midoobay iyo Goloaha Amaanka Muddo 9-sano ah.

Markaa Garsoore kasta oo ka tirsan ICJ wuxuu u baahan yahay codadka Dowladaha xubnaha ka ah Qarammada Midoobay.

Maandeeq FM