Ninka Ugu Taajirsan Shiinaha: Lacagtu Sareedada Nolosha Ma Keento!

Maamulaha guud ahna aasaasaha shirkadda Alibaba oo ah ninka ugu taajirsan Shiinaha ayaa sheegay inuu ka farxad badnaa xilligan markii aanuu wax hanti ah haysan ee uu faqiirka ahaa.

Jack Ma oo hadda da’diisu tahay 53 jir ah ayaa bilowgiisii hore nolosha kasoo shaqeeyay macallinimo, waxa uu luqadda luqadda Ingiriiska ka dhigi jiray jaamacadaha gudaha Shiinaha, waxa mudadaa uu ku tilmaamay iney u ahayd “Wakhtigii ugu wanaagsaneyd noloshiisa”. Xilligaa waxa uu qaadana jira 75 Chinese Yen ah, waa lacag u dhiganta $12 oo qura!.

Khudbad uu sanadkii 2015 ka jeediyay naadiga dhaqaalaha Mareykanka ee New York ayuu ka sheegay inaan lacagtu farxad iyo sareedad qofka usoo jeedin. Dadka happiness-ka ku noolna ay yihiin kuwa lacagtoodu $1 milyan oo dollar ay ka yar tahay, malaayiinta aan hadda haysanno waa mas’uuliyad iyo kalsoonida dadka, ayuu yiri Jack Ma oo lagu yaqaanno inuu yahay shakhsi si daacad ah dadka ula taliya.

Jack Ma waxa uu haystaa hanti lagu qiyaasay $47.2 bilyan oo dollar, waana gacansaha ugu taajirsan dalka Shiinaha.

Maandeeq FM