Tababar Ku Saabsan Habeynta Qoraalka Af-Soomaaliga oo Maanta Magaalada Muqdisho Lagu Qabtay

Tababar ay qabatay akaadeemiye-goboleedka Af-Soomaaliga ee “AGA” oo dhalinyaro Soomaaliyeed ka faa’ideysteen Habaynta qoraalka Soomaaliga ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Tababarkan oo ulajeedadiisu ahayd sidii loogu faa’ideyn lahaa dhalinyarada daneynaysa Akhriska iyo Qoraalka Af-Soomaaliga ayaa muddo hal cisho ah qorshihiisu loogu talogalay inuu sucdo.

Prof. Mustafa Abdullaahi Feyrus oo ka mid ah khubarada Akaadeemiyadda tababarkanna wax ka bixineyay ay ayaa wariyaheenna Xasan Cabdi Maxamed u sheegay “Tababarkan ay sameynayso Akeedeemiya-goboleedku waxa uu ku saabsan yahay habaynta qoraalka Af-Soomaaliga, markii dadku Af-Soomaaliga qorayaan waxaan aragnay baahi farabadan habka loo qoro iyo in meelaha qaar la qurxiyo, laga saxo, markaa dhanka habaynta ayaa ku tababareynnay dhalinyaro Soomaaliyeed, oo dhalinyarada akhriska iyo qoraalka daneeya ah. Kani waa markii ugu horreeyay waxa uuna noqon doonaa tababar taxane ah oo dhalinyaro kale oo farabadani ay ka faa’ideysato”

February 21, 2015 ayaa Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Djabuti, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ismaciil Cumar Geelle ay Muqdisho ku dhagax dhigeen xarun goboleed lagu hormarinayo luqadda iyo dhaqanka Somaliyeed, Waxaana loogu Magac daray Akaadeemiyad-goboleedka Farta Soomalaiga.

Maandeeq FM