Isticmaalka Erayada Ingiriiska ah ee Kaa Soo Dhexgala Hadalka Waxa Ay Noqon Kartaa Cudur

Ma caadaysatay in luqadda Inglishku ay soo raacdo wadasheekaysiga aad saaxiibadaa la leedahay? Arrintaasi si lama filaan ah ma u dhacdaa iyo adigoon u qasdayn? Arrinta aadan ogeyn ayaa ah inuu kugu dhacay cudur loo yaqaanno “foreign accent syndrome(FAS)”, waana xaalad naadir ah oo caado ahaan sababta keentaa ay tahay dhibaato dhanka maskaxda ah, waa sida uu qoray website dalka Ingiriiska laga leeyahay oo la yiraahd “boots“.

Muxuu yahay cudurkan foreign accent syndrome?

Waa Cudur qofka hadalkiisu si lama filaan ah isku bedelayo isagoon si ulakac ah arrintaa u sameynayn, tusaale ahaan; in qofku muddo dheer uu ku hadlo luqaadda Soomaaliga si lama filaan ahna uu u adeegsado erayo luqado ajinabi ah ka tirsan isagoon ulakac u sameynayn arrintaas, qofku waxa uu u ekaanayaa inuu yahay ajinabi oo waxa uu sheegayaba aan la fahmeyn.

Cudurkan ayaa la ogaaday sanadkii 1907, qarnigii lasoo dhaafay waxaa laga helay 100 qof oo kaliya, xaaladihii ugu caansaa ee dadkii lagu arkay waxaa ka mid ahaa; haweenay u dhalay dalka Norway ayaa sanadkii 1941 uu firir kasoo gaaray dhanka madax, xilligaas oo uu socday dagaalkii labaad ee adduunka, haweenaydii ayaa isbitaalka la geeyay oo lagu daaweeyay, markii ay koomadii kasoo kacday ayaa la arkay iyadoo ku hadlaysa Af-Jarmal, dadkii way ka kala carareen iyagoo moodaya iney jaasuus u tahay ciidamada Jarmalka.

Daaweyntiisa

Su cudurkan loo daaweeyo waxaa loo baahan yahay, xirfadlayaal daryeelka caafimaadka ku takhasusay oo ka kooban dhakhtar Neerfo, dhakhtar psychiatrist ah, speech therapist, Language Specialist.

Maandeeq FM