Miisaanka Ruuxdu Waa 21 Grames… Maxaad kala Socotaa Tijaabooyikii Dr. Macdougall

Sanadkii 1907, ayaa Dr.Duncan Macdougall uu ruuxda ku tilmaamay iney tahay maaddo la miisaami karo cufkeeda, gaar ahaan marka ay jirka aadanaha ka baxayso, waxaana markaa ka dib suurtogalaysa, ayuu yiri, in la ogaado nooca maadadaasi waxa uu yahay.

Dr. Macdougall oo ahaa caalim dhanka physics-ka ah ayaa fikraddiisa koowaad waxa uu ka qaatay fahamka diineed ee oranaya ruuxda isha laguma arki karo, waxayna u baqooshaa dunida kale oo aan iyadana la arki karin; waxa uuse aaminsanaa in la qiyaasi karo, iyadoo la raacayo qawaaniitii Newton ee xiriirka u dhexeeya culeyska, gravity-ga iyo cufka.

Dr. Macdougall tijaabadisii ugu horreeysay waxa uu ku sameeyay bukaan cudurka TP qaba oo geeridiisu soo dhawaatay, xilligaasna cudurku dawo ma lahayn, cudurka jirka ay ku faafi jiray illaa uu bukaanka ka baa’biyo uuna ka dhinto.

Waxa uu isticmaalay miisaan uu ku xiray sariirta bukaanka naftu gabaabsi ku ahayd oo cudurka TP dishooday, markii bukaanku dhintay ayuu miisaankiisa qiyaasay, waxa uu eegay farqiga markii uu noolaa iyo waxa iska dhimay miisaanka marka uu dhintay kadib, waxaa u soo baxday 21.2 Grames oo miisaanka iska dhintay. Halkaa tijaabo oo qura kumuu kaaftoomin, waxa uu sameeyay tijaabooyin la mid ah oo uu ku sameeyo bukaanno isla cudurka TP-da qabay, waxaana u soo baxday natiijo ka agdhow tii hore uu u gaaray.

Caqabada aragtidani ka horyimid

Waxaa jira labo caqabadood oo soo waajahaya aragtida Macdougall, tan koowaad: waxa uu fasiraad cilmi ah ka bixin waayay dadka miisaankoodu aanuu waxba iska dhimin ee la tijaabiyay,  waxa uu ku tilmaamay in ruuxdii ay jirkooda ku xayiran tahay.

Tan labaad: waxa uu qiyaasay 15 ey oo cudurro qabay, markii uu miisaamay waxay iska dhimay miisaankooda ma’aanuu jirin, waxaanuu arrintaa uga baxsaday ina ruuxda waxa iska leh aadanaha un uu yahay.

Khaladaadka tijaabooyinka Macdougall

Dr. Macdougall waxa uu sameeyay khaladaad farabadan oo keenay in tijaabooyinkiisa halbeeggii cilmiga ee looga baahnaa gaari kari waayaan, loona aqoonsan waayay dadaalkiisa mid cilmiyeed, waxaa ka mid ah:

  1. Tirada tijaabooyinka macmalka ee uu sameeyay oo aad u koobnaa.
  2. Dadka cudurka TP ku dhaco waxay jirkoodu dareemaa daal farabadan, astaamaha uu cudurkani leeyahayna waxaa ka mid ah in miisaanka qofku uu hoos u dhaco.
  3. Wakhtigan aan hadda joogno waxaa aad u adag in si dhab ah loo ogaado wakhtiga geerida qofka, ma marka ay neefta iyo wadnuhu istaagaanbaa, mise waa marka maskaxdu shaqada joojio, doodo badan ayaa arrintaa ka taagan.

Dr. Macdougall waxa uu geeriyooday sanadkii 1920 isayadoo afkaartiisa iyo aragtidii uu la yimid wax miisan cilmi ah aaney yeelan, sanadkii 2003 ayaa la soo saaray filmi la yiraahdo “Grams 21” oo laga matalay afkaartii caalimkan ee dhici Ruuxda.


Maandeeq FM