War Farxad u Leh Dadka Bisadaha Jecel oo Khubarada Sayniska Ay Sheegeen

Saynisyahanno Swiss ah ayaa qirtay in bisaduhu ka wanaagsan yihiin eyda, halka labadaa xayawaan ee dad joogta ah ay si togan u saameeyaan xaaladda nafeed ee qofka ay guriga u joogaan.

Khubaradan ayaa daraasad ay sameeyeen ku cadeeyay in bisaduhu iyo eydu ay qofka dareen farxadeed siiyaan marka ay guriga u joogaan, haddii xayawaankan dad joogta ah uu la noolyahay qoys mar kasta dagaalama, iyaguna waxay isku bedelayaan kuwo dhib badan oo waxay noqonayaan kuwo xaaladda qoyska la jaanqaada, halka bisaduhu ay si hooseysa ula falgalaan xaaladda caadifadeed ee guriga ka jira, waa sida lagu qoray jariidada the Independent.

Khubaradan ayaa tilmaamay in dhanka la qabsiga iyo nolosha ay bisaduhu kaga wanaagsan yihiin eyda, maadaama ay la qabsan karaan raashinka yar, halka eydu marka ay cunno xumo dareemaan muddo isbuuco  ah ay ku bakhtiyaan.

Sida ay kubaradani sheegeen, bisadaha waxay ka wanaagsan yihiin eyda dhanka ugaarsiga, maadaama ay ka cidiyo wanaagsan yihiin, taas oo u suurtogalineysa iney sannooyin farabadan sii noolaan karaan si ka duwan eyda.

Maandeeq FM