Sideed Uga Fogaan Kartaa Geerida Degdegga ah Xilliga Hore Noloshaada?

Khubaro dhanka caafimaadka ku takhasusay oo u dhashay dalka Mareykanka ayaa tilmaamay habka looga fogaan karo geerida degdegga ah ee uu sababo blood pressure-ka dhiigga ee wadnaha iyo maskaxda dhiiga ku fura.

Dhiigkarku waa sababta ugu badan ee ay 1000 maalin kasta ugu geeriyoodaan dalka Mareykanka. Sidaa darteed dhakhaatiirta isbitaalka Mayo Clinic Medical Center ee cilmibiraasta ayaa waxay ku talinayaan in si gaar ah dadka qaangaarka ah u koontaroolaan oo ula socdaan heerka dabiciiga jirkooda oo marka uu kacsan yahayna la dejiyo, daalka faraha badan laga fogaado, nidaam nololeed oo caafimaad ahna lagu socdo.

Sidaas oo kale, waxay ku talinayaan in maalintii xoogaa nasasho ah la qaato muddo 12 illaa 20 daqiiqo ah. Sida ay khubaradani sheegayaan; xiriirka wanaagsan ee qaraabadaada aad la leedahay iyo dadka kugu xeeran, waxay soo koobayaan oo ay aad u yareynayaan mushkiladaha caafimaad ee dhanka wadnaha la xiriira.

Waxay khubaradani carrabka ku adkaynayaan in kaalinta wanaagsan ee Sports-ku ku leeyahay nolosha qofka aan la moogaan, maxaayeelay; waxa uu xadeeyaa dhibaatooyinka wadnaha iyo xididada dhiigga la xiriira, waxaana laga helaa firfircooni.

Waxaa kale oo ay ku talinayaan in la cuno cunnooyinka cusbadu ku yartahay potassium ku badan tahay, sida Galleyda oo kale, iyo in laga fogaado sigaarka oo saameyn aan wanaagsaneyn ku yeesha xididada dhiigga.

Si kastaba, geerida iyo nolosha midna nafteenna uma haynno, laakiin dadaalka ayaa la ina faray, arrinta aan ka hadleynaa waa arrintaa.

Maandeeq FM