90 jir Tafsiirka Ka Bartay Radio.. Muxuu Ugu Baaqay Bulshada & Sheekh Dirir oo Ammaan u Soo Jeediyay

Barashada tafsiirka qur’aanka waa arrin muhiim u ah qof walba oo muslim ah, dadka intooda badan way ku adag tahay iney wax bartaan gaar ahaan dadka da’da ah.

Aw Maxamed Ibaahim waa 90 sano jir ku nool magaalada Hargeysa, caasimadda Soomaliland, Idaacadda Radio Hargeysa ayuu marsadaa Tafsiirka Qur’aanka Kariimka ah, waxuu ka dhameeyay barashada Tafsiirka Qur’aanka Radio Hargeysa muddo dhan 10 jeer, waxa uuna ka marsanayay Tafsiirka Idaacadda ku dhawaad 15 sano.

Maxamed waxa uu inta badan sitaa Radio uu ka dhageysto Tafsiirka Qur’aanka ee idaacadda kasoo gala, waxa uu ugu baaqay dhallinyarada iyo dadka kale iney ku dadaalaan barashada cilmiga diinta Islaamka.

Maxamed oo ah nin da’ ah ayaa Goobjoog oo ay bahwadaag yihiin Maandeeq FM  uga warbixiyey barashada Tafsiirka Qur’aanka Kariimka ah iyo marxaladihii kala duwanaa ee soo maray,  waxa uuna yiri “Inta aad aduunyada joogtaan waxna barta, waxna umadda bara ayaan leeyahay, dadkana bara kutubta wixii xaaraan ah umadda haka harto”.

Sheikh Maxamed Dirir oo ah Sheikha Idaacadda ka akhriya Tafsiirka Qur’aanka Kariimka ayaa sheeagay in Maxamed Ibraahim uu tusaale fiican u yahay dhallinyarada da’yarta ah islamarkaasna aan laga caajisin barashada Cilmiga “Waa uu ku ammaananyahay Ow Maxamed Tusaalane uu u yahay in ay ku daydaan odoyaasha iyo dhallinyarada “.

Maxamed Ibrahim,  kama dhageysto Idaacadda wararka iyo Barnaamijyada ee waxa uu  ka dhageystaa Tafsiirka Qur’aanka, maalin walba 2 jeer muddo dhan illaa hal saac.

Maandeeq FM