Buugaagta aan Akhrinno Maxaan u Illownaa… 3 Istiraatiijiyadood ee Lagu Gaaro Xasuusta Mudada Dheer

Yaa awood u leh inuu ka waramo buug uu muddo ka hor akhriyay amaba uu hadda akhrintiisa dhameeyay, maxay u suurtogeli la’dahay inaan dib u xasuusanno macluumaadkii aan horey u akhrinnay?.

Bilowgii Qarnigii 20aad, caalimika cilminafsiga ku takhsusay oo u dhahay dalka Jarmalka lana oranjiray “Hermann Ebbinghaus” ayaa si cilmi ah u caddeeyay habka ay maskaxdu u kaydiso macluumaadka iyo sida tartiib tartiib ah ee aan waxa ugu illawnno, waxa uu soo bandhigay sawir graphic ah oo la magac baxay “Forgetting curve“, oo uu kusoo bandhigay xawaaraha habka maskaxdu u lumiso macluumaadka oo ka bilaabaneysa 24 saacadood un marka laga joogo waxii aad akhirsay  illaa  ugu dambeyn macluumaad ay maskaxda ku haraa ay gaaraan  20% oo qura, waa haddii lagu soo celcelin waayo.

Caalimkan ayaa sheegay in wax kasta oo ay maskaxdu kaydiso xasuusta dhaw lagu xafiddo; sida, xasuusta halka aan ookiyaalaha dhiganno oo kale, maskaxdu waxay u baahan tahay markaa kadib in macluumaadka ay tuurto maadaama dantii aad ka lahayd ka gaartay. Waxayna maskaxdu macluumaadka u daadineysaa si kuwo cusub ay u qaabisho.

Mushkiladdu halkay ka jirtaa?

Mushkiladda jirta ayaa ah inaaney maskaxda u kala saarneyn macluumaadka waxkhtiga kooban loo baahan yahay iyo kuwa wakhtiga fog xasuustiisku ay muhiimka tahay, halka casrigan Internet-ka aan waxbadan xifdigooda loo baahneyn, markaa in maskaxda xasuusteeda wax looga baahdaa waxay noqotay mid aan muhiimad sidaa u sii buuran lahayn.

Sideen macluumaadka ku xasuusan karnaa?

Waxaa jira saddex istiraatiijiyadood oo loo adeegsado kaydinta waxaan akhrineyno:

  1. Saameynta waxaad akhrineyso; waxaad akhrineyso raadka ay kugu reebaan; sida aad ula dhacdo, waxyaabaha aad ka hesho, fikrad goonni kuu soo jiidata, ficil goonni ah oo aad layaabto, waxayaabahaas oo dhan xasuusta ayay xoojiyaan.
  2. Isku xirka

Haddii waxaan akhrineyno aan ku xirno waxaan naqaanno, inaan xasuusanno way fududaan kartaa, ugu yaraan meelihii ugu muhiimsanaa ayaad dib u xasuusneysaa, tusaale ahaan, xasuusta magac caalim ayaad ku xiraneysaa qof ay isku magac dhawyihiin oo qaraabadaada ka mid ah, macluumaadka aan sidaa ku xifdinno waxay kaalin ku yeeshaan geedka aqoonta  ee caqligeenna, inaan xasuunana way noo sahlanaataa.

  1. Ku celcelin

Markasta oo shay akhriskiisa aad ku celceliso xasuustiisuna way kuu sahlanaaneysaa.

Si kastaba, waxaa la hubaa in akhrisku uu saameyntiisa leeyahay wax kasta oo aad akhriso waxa uu noqonayaa shay ay maskaxdu garaneyso, marka uu si lama filaan ah kuu soo marana ay ugu yaraan wax un aad ka xasuusan karto, laakiin marka aad dooneyso inaad macluumaadka muddo dheer kuu kaydsanaado waxaad dabaqeysaa saddexdaa istiraatiijiyadood ee natiijadooda la hubo.

 Maandeeq FM