Dadka Isticmaala “Snapchat” oo Aad Uga Careysan Cusbooneysiintii Ugu Dambeysay.. Ogow Sababta?

Dadka isticmaala Snapchat ayaa dareenkooda ku cabiray sida ay uga xunyihiin dib u cusbooneysiintii ugu dambeysay ee barta lagu sameeyay, waxay dhibaato kala kulmeen adeegsiga adeegyadii ay jeclaayeen oo baaritaankoodu ku cuslaaday; sida adeegyada, Latest stories ee sheekooyinkii ugu dambeeyay oo lagu daray liiska saaxiibada cusub, sidoo kalena lagu laray sheekooyinka “Discovery-ga” ah.

Dadku waxay caradooda ku cabireen bartooda twitterka iyagoo si aad ah u dhaliilay dib u cusbooneysiintan dambe, arrintaas ayaa keentay in maamulka Snapchat uu macaamiisha u soo jawaabo.

85 kun oo dadka bartan isticmaal ah ayaa warqad furan u diray maamulka Snapchat, iyadoo ulajeedadu ahayd in la joojiyo cusboonaysiinta dambe.

Sida ay qortay jariidada “The Independent” ee dalka Ingiriiska kasoo baxda, shirkaddu waxay ku jawaabtay: “Waan dareensan nahay dhammaan cabashooyinka waxay ku saleysan yihiin, laakiin isbedello kasta oo waaweyn sida loola qabso wakhti ayay u baahan tahay, laakiin waxaan rajeynaynaa in bulshadeennu ay ku raaxaysan doonaan marka ay la fahmaan.”

Maamulaha fulinta ee shirkadda  Ivan Spiegel ayaa dhankiisa yiri: “Waxaa jira filasho xoog badan in burbur wakhti dhow ah noo keento, haddii aan cusbooneysiintadib uga noqonno, illaa hadda ma ogin falcelin macaamiisheenna iyo sida ay isku bedeli doonaan marka ay bilaabaan adeegsiga cusbooneysiinta dambe.”

Waxa uu intaa sii raaciyay: “Waxaan diyaar u nahay inaan tallaabadaa khatarta leh qaadanno; haddii aan aragno in wakhtiga fog aan faa’iido ka heli karno.”

Waxaa xusid mudan, iney shirkadda Snapchat ay ku dhawaaqday tirada dadka sida maalinle ah ugu xiran barta ay gaareen 178 milyan oo qof September 30, 2017, waana tirakoob ka hooseeya saadaalintii la filayay.

Maandeeq FM