6 Calaamadood oo Digniin u ah in Cillad Dhanka Beerka Ah Ay Jirto

Beerku waa xubin muhiim ah oo ka tirsan jirka aadanaha ah, sunta ayuu jirka dibaddiisa u  saaraa, waxaanuu ku yaalla qeybta midig ee xigta dhinaca caloosha, qeyb ka mid ah waxaa ku daboolan feeraha.

Website-ka “mayawebworld” ayaa qoray calaamado gaar ah oo digniin u ah in beerku xanuusanayo¬† dhibaatana ay haysato isla markaana ay habboon tahay in la baaro.

  1. Xanuun soo noqnoqda oo dhanka caloosha uu qofku ka dareemo, gaar ahaan dhinaca midig ee caloosha ku beegan.
  2. Oomateedka oo qofka ka xirma oo cunnadu u soo dhadhami waydo, taas oo ka dhalaneysa in beerkii uu sidii la rabay u gudaneyno shaqadisii muhiimka ahayd ee suntan jirka looga saarayay.
  3. Mushkilado dhanka habdhiska dheefshiidka ah oo qofka ku soo noqnoqda, sida caloosha oo qofka la majiiro(casiraad), iyo jirka oo midabkeedu jaalle isku bedelo.
  4. Madax wareer iyo matag joogto ah.
  5. Midabka kaadiga oo isbedela, xitaa marka uu qofku biyo farabadan cabo.
  6. Dareerihii jirka dibaddiisa u bixi jiray oo yaraada, sida kaadida iyo dhididka oo gudaha jirka kasoo bixi kari waaya.

Maandeeq FM