Facebook oo $10 Milyan oo Doolar Ku Maalgelinaysa Dadka Leh “Groups” Saameynta Wanaagsan

Shirkadda Facebook ayaa soo bandhigtay barnaamij cusub oo $10 milyan oo dolar ay ugu maalgelinayso groups faa’iidada leh ee dadka barta siticmaala sida wanaagsan uga faa’ideystaan, si loo dhiirigeliyo qoraallada faa’idada leh ee la faafiyo.

“Jennifer Dulski” oo ka tirsan shirkadda Facebook ayaa sheegtay in barnaamijkan cusub “Facebook Communities” ee dhawaan lagu soo bandhigay London, 5 qof lagu maalgelin doono min 1 milyan oo dollar si ay u bilaabaan marshuuc ballaaran, halka 100 qof oo kale oo adduunyada daafaheeda kala duwan ku dhaqanna la siin doono min 50,000 oo dollar oo maalgelin ah.

Waxay intaa sii raacisay: “Waxaan raadineynaa Groups faa’iido u leh dadka ku xiran, waxaanan raadinaynaa mashaariicda saameynta wanaagsan yeesha, waxaa qorshuhu yahay in la doorto 100 qof hab tartan ah lagu kala reebo iyadoo koox khubaro ah oo madax banaan iyo shaqaalaha Facebook ay si wada jir ah u qiimeyn doonaan.

Waxaa xusid mudan inĀ  “Mark Zuckerberg” maamulah fulinta ee shirkadda uu June-tii lasoo dhaafay sheegay in muhiimadda shirkaddu tahay in dunida la isku soo dhaweeyo.

Maandeeq FM