Kumanaan Macallin oo Lagu Qabtay Iyagoo Faraha Kula Jira Dambigan Caanka ah

A growing number of pupils ­also cheated DAVID JONES/PRESS ASSOCIATION ARCHIVE

Hay’ad British ah ayaa soo bandhigtay tirakoob fadeexad ku ah macallimiinta qaar oo la tilmaamayo iney sidii ardayda oo kale imtixaanka u qishaan!.

Jariidada The Sundy Times ee kasoo baxda dalka Ingiriiska ayaa qortay in mu’asasada “OCR” ee caanka ku ah dhanka horumarinta waxbarashada UK ay qabatay 2,300 xaaladood oo qish ah oo macallimiinta iskuulaadka, jaamacadaha iyo mu’asasaadka ee waxbarashada ka shaqeeyaa ay ku kaceen inta u dhaxaysay 2012-2016.

warbixinta ayaa caddeysay in kala bar xaaladahaasi ay ahaayeen “garab aan sharci ahayn” oo ay macallimiintu u fidinayeen ardayda xilliga imtixaanka.

Mu’asasadan ayaa tirakoobka fadeexaddan dhaliyay soo saartay kadib markii ay jariidadu ka dalbatay iney hesho, iyadoo tiigsanaysa sharciga xaqa helitaanka macluumaadka ee muwaadinku leeyahay, halka bilowgii hore ay hay’addu isku dayday iney macluumaadka qariso.

Arrintu intaa kuma aaney ekaan ee waxaa soo baxay in maamulku uu iska sahlado inta badan qishka macallinka, sida data la helay ay tilmaameyso, ku dhawaad 1000 arday ayaa loo diiday iney imtixaanka dhameystiraan oo warqadihii laga qaaday, halka 581 macallin digniin la siiyay, halka 83 kalena laga joojiyay howsha imtixaan ilaalinta ah.

Khubarada waxbarashada qishka ay macallimiintaasi ku kaceen waxay ku tilmaameen inuu la mid yahay kan ciyaartoyda daraagoda lagu qabtay oo kale, maadama shaqda macallinka ay ka mid tahay inuu qishka ilaaliyo.

Alan Smither oo macallin ka ah kulliyadda barbaarinta ee jaamacadda Buckingham ayaa yiri: “Qishka imtixaanku waxa uu u dhigmaa ciyaaryahannada mukhaadaraadka isticmaala dambigooda oo kale, ciqaabta macallimiintaa la marsiinayaa waa iney u qalantaa dambiga ay galayaan.”

Jariidada ayaa dhankeeda sii raacisay in musalsalka fadeexadda ee ku dhufatay nidaamka imtixaanaadka Ingiriiska uu la mid yahay su’aalihii imtixaanka oo dibadda u baxay ama si dhameystiran intenet-ka loogu daabacay.

Maandeeq FM